DAAWO: ”Ilhaan Cumar waxay doonaysaa inay Minnesota u rogto Muqdisho oo kale!” – Ayaan Xirsi Cali oo weerar yaab leh qaadday!

0

(Washington, DC) 14 Luulyo 2020 – Ayaan Hirsi Ali oo hadda sheegata inay tahay gayfane u dooda xuquuqda insaanka ayaa weerar ku qaadday Xildhibaanadda Ilhaan Cumar oo ay ku khilaaftay soo jeedin ay keentay gabadha dambe oo ku saabsan in dib u qaabayn lagu sameeyo siyaasadda iyo dhaqaalaha Maraykanka.

Ilhaan aya todobaadkii tegey ku baaqday in wax laga bedeli hannaannada dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee Maraykanka oo ay ku tilmaantay “nidaam cabburin ah”, iyadoo daba socotey sida aysan isugu dheelli tirnayn nolosha shacabka Maraykanka oo ay qaar mudnaan gaar ah leeyihiin (Waspy presrige).

Yeelkeede, sida ku dhigan Western Journal, warka Cumar ayaa waxaa ka hor yimid dad badan oo ka mid ah qolyaha muxaafidiinta ah, balse waxaa yaab leh in dadka faraqa ku dheggan ay ku jirto Ayaan Xirsi oo ah gabar Soomaali ah oo qaxooti shalay yimid ah, isla markaana ku jirta khaanadda dadka ay Ilhaan u doodayso.

“Waxay ku jirtaa Koongaraysa Maraykanka, waxayna leedahay halla burburiyo nidaamka dhan’ ” ayay Ayaan oo sheekada warac geddinaysa ku tiri hilinka muxaafidka ah ee Fox News gaar ahaan barnaamijka Dana Perino oo qabata barnaamijka The Daily Briefing.

“Waxaad is waydiinaysaa waxa aad uga soo cararayso Muqdisho, uga cararayso foowdo, uga carrayso cabburin, kaddibna aad Maraykan u imanayso ee aad deeto intii karaankaaga ah iskugu geynayso inaad Minnesota u rogto Muqdisho?” ayay daba dhigtay Ayaan oo lafteedu Muqdisho ku noolaan jirtey, una muuqatey qof woxooga neerfooso ah.

Ayaan oo dhanka Kenya ka gashay dalka Netherlands oo ay xildhibaanad ka noqotay balse been ay sheegtay darteed looga eryey ayaa dhalashada Maraykanka qaadatay 2013-kii, iyadoo sheegtay in nin khasab loogu darayey, taasoo been noqotay, waxayna ilaa hadda raadinaysaa xorriyad aan abidkeed ka maqnayn, iyadoo sidoo kale ku jirta saf aysan marna ka heleeynin aqoonsi iyo ka tirsanaan dhab ah, maadaama dhibka ugu wayn ee Maraykanka ka taagan uu ka mid yahay kan jinsiga oo aanu mabda’ muhim ahayne la eegayo maqaarka qofka, taasoo ah midda ay ka hadlayso Ilhaan Cumar.

Hadalsame Media