Shiinaha oo dunida dareensiiyey inay Somalia tahay ”Dameer MALAB la saaray!”

0

(Muqdisho) 14 Luulyo 2020 – Danjiraha Shiinaha u fadhiya Somalia, Md Qin Jian, ayaa soo bandhigay tirakoob la yaab leh oo ku saabsan khayraadka dabiiciga ah ee ay ku fadhido Somalia, balse ay ka baahan tahay ilaa maanta oo ay 60 sano ”xor” ahayd.

Md Jian ayaa soo liis gareeyey inta sheey ee dabiici ahaan looga helo dalka Somalia sida dahabka, saliidda, gaaska, xoola nool, kalluumaysiga, macaadinta iyo biraha qaaliga ah, isagoo aanba xitaa beeraha sheegin.

Wuxuu kale oo raaciyey cadadka oo uu dabcan qiyaasayo. Tweet 2-aad ayuu ku keenay su’aal ku saabsan ujeedka uu waxan u sameeyey oo ah mid uu ugu duur xulayo Soomaalida oo ku adduun iyo aakhiro seegtay muran bilaa micne ah.

”Somalia waa tanaad. Maxaannu u murmaynaa? Maxaannu farxad iyo nabad ugu noolaan la’nahay? Waxaan quud darraynayaa inay saaxiibadeen Somalia arrintan ka fikiri doonaan?” ayuu soo qoray.

Hadalsame Media

Facebook Comments