”Sidii aannu ka filayney kalama kulmin Raysal Wasaare Khayrre!”

0

(Muqdisho) 14 Luulyo 2020 – MuqdisKulanka RW Kheyre & Warbaahinta: Sidii aan fileyey si kaduwan wixii eed iyo canaan loo jeediyey Kheyre Iskama difaacin waxna kama diidin!

Waxa uu ahaa kulan ay kaqaybgaleen inta badan madaxda xarumaha Warbaahinta madaxbannaan & Ururuada u dooda Saxaafadda, Barqo kulul ayuu billowday, mid kamid ah Hoolasha sida wanaagsan loo qurxiyey oo golaha xukuumaddu ku shiro ayaa loo doortay in Shirku kadhaco, iswareysi kooban oo dhexmaray kaqaybgalayaasha oo keli ah kaddib waxa yimid RW Xasan Cali Kheyre oo markaas sida ay sheegeen xog-hayntiisu kasoo baxay kulan kale.

Furitaan & Isbarasho kaddib, waxa uu jeediyey hadal gaaban! Warkiina waxa uu ku wareejiyey Warbaahinta, iyada oo maankak lagu hayey in muddo saddex sano iyo bar ah kulankani ahaa kii Koowaad ee Xasan Cali Kheyre la yeesho Warbaahin intaas la eg waxa hadalku ku billowday eed, Cannaan & haydaaro loo jeediyey xukuumadda si gaar ah hay’adaha Nabadgelyada, hannaanka caddaaladda, iyo sida aanay xukuumaddiisu u dabagelin dembiyada kadhanka xorriyadda hadalka & madaxbannaanida saxaafadda, waxa laga hadlay xeerka Warbaahinta ee horyaal madaxweyne Farmaajo, waxaana cannaantu gaartay in xubno kamid ah xukuumaddu wax kale daayo ay taageeraan wax lagu sheegay Burcadda saxaafadda.

Dhanka midig ayaan ka fadhiyey kulanka waxaana iga xigay 3 qof si dhab ah ayaan u fiirinayey ama u eegayey sida ay u xannuujin doonaan hadalada iyo ereyada kulul ee dadkii hadlay qaarkood u jeediyeen xukuumaddiisa, balse waxa uu muujiyey degnaan iyo in uu yahay dhegeyste wanaagsan, laba qof ayaa qaadayey xusuus-qorsha shirka kuwaas oo hadba mar soo hordhigayey qodobada laga hadlay, qudhiisuna qalin iyo xaashiyo uu ku qorayo ayuu haystay.

Tiro koobka tacadiyada saxaafadda ee loo tirinayo in ciidanka nabadgelyadu geystay welina aan la xisaabin ayaa loo tiriyey, suxufiyiinta xiran iyo kuwa bannaanka ku jooga dammaanadda ayaa magacyadooda loo sheegay, isaga hadalada qaarkood dareen weyn siinayo ayuu madaxa u ruxuyey malaha kuwa aadka u damqiya ama uga farxiya.

Qiyaasteyda waxa uu dhegeystay hadalada ay shirka ka jeediyeen ugu yaraan 20 qof kuwaas oo aan intooda badan ka farxin iyada oo hadaladaas qaarkood loo sii sheegayey in ay kulul yihiin ee uu dhegeysto dulqaadna u yeesho, sida muuqata waa ku soo talagalay in uu gegsado! Malaha farriin-jireed (Body message) wanaagsan in uu bixiyana waaba sii qorsheeyey, laba saac oo kulunku socday wax dareen ah oo kabadan la falgelid iyo jiibin ma muujin, 120-kaas daqiiqo Soddon kamid ah ayuu hadlay halka inta kalana ay Warbaahintu qaadatay.

Jawaabaha uu bixiyey dhammaantood waxa uu doortay in uusan is difaacin ee uu sheego caqabadaha iyo culeysyada siyaasadeed ee uu u dulqaato isaga oo muujiyey in aan inta miiska fadhisa aan qofkoodna todobaad keli ah u dulqaadan Karin, dhowr kamid ah ayuu sheegay

Dhinaca horumarinta dowladda:“Raisalwasaare ahaan Waxa aan xauustaa in aniga oo jooga Dhuusamareeb aan aaday guriga Macalin Maxamuud, balse waa la iga soo celiyey oo waxa la ii sheegay in aan la heli Karin! Kan Sheekh Shaakir ayaan haddana aaday, balse waa la iga soo celiyey, meel ayaan iska fariistay”!, taasi waa mid! Mid kale “Markii aan qabanayey xilkan raisalwasaaraha 21 Wasaaradood ayaa daqli arruursanayey mid walba si iskeed ah ayay u qaadaneysay, maanta Daqliga waxa lagu aruuriyaa oo keli ah hal meel oo ah Wasaaradda Maaliyadda, 21 kaas Wasaaradood mid walba aniga ayaa tegey! Bil walba marka ay gaarto 20 waxa aan ka welwelaa Bishaan Mushaarka ma bixin kartaa xukuumaddu”

“Dhinaca Nabadgelyada; Markii aan iskudaynay in ciidanka la tiro-koobo ma taqaanaan waxa dhacay, ciidankii ayaa furimihii uu ku jiray ka soo baxay! War in mushaarkiinu si toos ah idin soo gaaro oo aan Bac & Boorso madow looga soo qaadin Bangiga dhexe ayaan ka shaqeyneynaa ayaan iri”

Dhammaan cabashadii iyo cannaantii loo jeediyey waxa codsaday in kooxda xog-hayntu qoraal u rogto, waxa uuna ballaanqaaday in uu dabagelayo intii karaankiis iyo awooddiisa ahna uu wax kaqabanayo.

Waxa la weydiiyey su’aalo duurxul ah & kuwo qayaxan oo ku saabsan siyaasadda, doorashooyinka iyo hadalada waawyen ee uu May & June jeediyey kuwaas oo dhammaantood ku saabsan doorashooyinka, waxa ay ahayd fursad oo uga nasto eedihii iyo haydaaradii shirku ku furmay, waxa uu sheegay in ujeedka hadalkiisu ahaa in aan dadweynuhu dareemin wax welwel ah oo kusaabsan dhaqaalaha, ganacsiga iyo hannaanka waddanka uga gudbayo marxaladda, waxa uuna raaciyey in isaga iyo madaxweynuhu ku mideysan yihiin in Waddanku si nabad ah uga gudbo kalaguurka.

“Shaqada xukuumaddu 3-da sano ee ugu horreysa waa in ay dalka hoggaamiso iskuna hayso, sanadka ugu dambeeya waa in ay dadka isu keento si aan ganacsatada, culimada iyo guud ahaan Bulshadu uga welwelin Nabadgelyadooda hadalkeyguna intaas ayuu ku saleysnaa”.

Markii hadalka la I siiyey waxa aan ka hadlay Saxaafadda & Nabadsugidda iyo habka xalka loo raadiyo marka isqabad yimaado, su’aal kedis ah ayuu igu soo tuuray, “Waa nagu daasheen oo malaha waa in aan meesha isaga tagno miyaa! Aniga oo hadlaya ayaan raadiyey si aan uga jawaabo hayeeshee isaga ayaa isu jawaabay oo yiri: Waa iska doonaa!

Agaasinka xiriirka saxaafadda ee Xafiiska Kheyrre ayaa Agaasimayaasha Warbaahinta madaxa bannaan waxa uu tusay dhowr dhismo oo xafiisyo iyo hoolal isugu jiro, aad ayaa loo qurxiyey loona naqashadeeyey, dhismayaal hor lehna meesha ayay ka socdeen, sidaas awgeed qaarkeen ayaa su’aal geliyey sida uusan Xasan Cali Khayrre ugu ekeyn raisalwasaare xilkiisu dhammaad yahay.

Sidii aan fileyey si kaduwan wixii eed iyo canaan loo jeediyey Kheyrre iskama diidin iskamana difaacin.

Waxaa Qorey: Wariye Axmed Guutaale

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media