Ujeedka uu Imaaraaadku u doonayo inay Somalia sheegato jasiiradaha Suqadra oo ogaadey (Arag xeesha Imaaraadka)

0

(Muqdisho) 13 Luulyo 2020 – Kaddib muddo uu qaboow ahaa cid u qaddayna aanay jirin, Imaaraadka ayaa la sheegay inuu doonayo inuu wanaajiyo xiriirka uu la leeyahay Somalia.

Ujeedka Imaaraadka ayaa salka ku haysa dan istaraatiji ah oo aan caadi ahayn oo uu ka leeyahay jasaa’irka Suqadra oo uu doonayo inay Somalia sheegato, balse uu isagu degganaado.

“Sababta uu Imaaraadku iskugu deyayo inuu hagaajiyo xiriirka Somalia waa mid salka ku haysa jasiiradaha Suqadra,” ayuu yiri Mohammad Shire, oo khadiib ka ah Jaamacadda University of Portsmouth. Waxaa jirey war kale oo uu beri dhowayd qoray Middleeast Monitor oo sheegayey inuu Imaaraadka Somalia usoo jeediyey inay sheegato jasaa’irkan oo aad ugu dhow gobolka Bari ee Somalia, balse hadda waxaa soo baxday danta uu taa ka leeyahay oo qayaxan.

“Dowladda Imaaraadku waxay doonaysaa inay xiriir fiican la yeelato maamulka iman doona Somalia oo ay doorasho kasoo dhowdahay,” ayuu yiri Abdullahi Halakhe, oo ah lafa-gure dowladnimada, amaanka iyo nabadda Afrika oo la hadlay Al-Monitor.

“Imaaraadku wuxuu deeto isku deyayaa inuu xoojiyo sheegashada Somalia ee jasaa’irkaas, si uu qiil ugu helo sii joogistiisa Suqadra oo ay caro badani uga imanayso Yamaniyiinta,” ayuu raaciyey Shire.

”Taariikhiyan, Muqdisho waxay si aan rasmi ahayn jasiiradahan u sheegatay 2010-kii maadaama ay aad ugu dhow yihiin, goortaasoo ay Somalia ka hadleysey aagga u gaarka ah ee badda (EEZ)” ayuu ku daray.

Imaaraadka ayaa siyaasad Ruush loo yaqaanno ”khilaaf huursan” u adeegsanaya maqaamka jasiiraddan oo uu doonayo inuu u sawiro mid ay ku muransan yihiin Yamaniyiin 3 qaybood ah; Xuutiyiinta, Dowladda MW Abed Rabbo Mansour], gooni u gooska STC oo dhinac ah iyo Somalia, isagoo marka uu taa hubsado doonaya inuu iska haysto inta ay ku murmayaan, si uu halkaa oo ay maraan maraakiibta ugu badan caalamka uu saamayn ugu yeesho.

Hadalsame Media