Imaaraadka oo geed dheer u fuulaya inuu dib xiriir wanaagsan ula yeesho Somalia (Arag inta dabin ee uu dhigay ee laga daba furay)

0

(Muqdisho) 13 Luulyo 2020 – Kaddib muddo uu qaboow ahaa cid u qaddayna aanay jirin, Imaaraadka ayaa la sheegay inuu doonayo inuu wanaajiyo xiriirka uu la leeyahay Somalia, isagoo dib u furaya Isbitaalkii uu agabka ka rartay ee Sheikh Zayed Hospital ee Muqdisho, kaasoo uu xirey 2 sano kahor.

Yeelkeede, Imaaraadka ayaa furitaanka hal isbitaal ku raadinaya moowqif ballaaran oo istaraatiji ah oo ay Somalia ka qaadato dalka Yaman. Wuxuuna yabooha Imaaraadku imanayaa kaddib markii ay kooxo maqaar saar ah oo gooni u goosad Yamanta koonfureed ah (STC) u gacan geliyeen jasaa’irka Suqadra oo u muuqda Somalia 20-kii Juun, taasoo ay UAE mudaba isha ku heysey.

Imaaraadka oo uu xumaaday xiriirka uu la leeyahay DF Somalia kaddib markii ay diiddey go’domintii Qadar, ayaa deeto dhowr mar isku dayey tillaabooyin kharbudaad ah, balse marna uma suuragelin, wuxuu xitaa bishii Maajo 2018-kii agabkii ka qaatay isbitaal uu Muqdisho ka sameeyey isagoo joojiyey barnaamij uu ciidamo ku tababarey oo foowdo u muuqdey.

Wuxuu dabeeto xiriirro la samaystay gobollada dalka sida Somaliland and Puntland, isagoo taageero lacageed siinayey rag mucaarad ah oo Muqdisho fadhiya, isagoo doonaya inuu gacanta ku dhigo dekedaha ku dherersan Marin Baabul Mandab, si aysan ula tartamin kuwiisa.

DF Somalia ayaa iyaduna kubad dhagax la dheeshey Imaaraadka, iyadoo diiddey malaayiin lacag ah oo uu ku farraqayey dalka sida doolla badan oo lagu qabtay Muqdisho bishii Abriil 2018-kii. Waxay sidoo kale Somalia gacanta ku dhitay shabakad sirdoon oo Imaaraati ah waxaasoo dhan oo wiiqay hankii Imaaraadka oo sahashanayey Somalia.

Imaaraadka ayaa iminka u muuqda inuu isaga oo cashar bartay u weecanayo dhanka aadminnimada iyo xiriirka wanaagsan, oo u muuqda kuwo wax looga cuni karo Somalia, in ka badan colaadin iyo dagaal.

“Waxaa jira dedaal cusub oo ka socda Geeska oo aanu ku samayn karno xal waara oo ka tarjumaya danaha iyo rabitaanka dadka dalalka gobolka, taasoo taageeraysa xasilloonida iyo horumarka Geeska Afrika,” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Imaaraadka, Anwar Gargash oo ka hadlayey Madasha Amaanka Qaranka Abuu Dabeey bishii Diseembar 2019-kii.

Imaaraadka ayaana ku biiray dalalka adeegsadey wax loo bixiyey  “diblomaasiyaddii durayga” isagoo Abriil 14, Muqdisho u diray 8 tan oo ah dawda coronavirus, wuxuu deeto Amiirka Mohammed bin Rashed Al Makhtoum markale Xamar u diray dhowr tan oo kale oo ah dawada u roon coronavirus 12-kii Maajo.

Yeelkeede, waxaasi ma furin qalbiga wax qawadsan ee Muqdisho, waxaana Imaaraadka loo muujiyey inay Somalia ka mug wayn tahay mid la eg isbtitaal la xirayo ama la furayo.

Somalia waa diiddey dib u furitaanka isbitaalka intaana ugama harine waxay dhaleeceeysay siyaasadda Imaaraadka ee Yaman.

“Soomaalidu ma aha agab rakhiis ah oo loo adeegsado dhaqan gelinta rabitaankaaga. Yaman waa dal xor ah oo aannu walaal nahay sharafna leh,” ayaa laga sheegay Ahmed Issa Awad, Wasiir Dibadeedka Somalia.

Sida lagu faafiyey Al-Arabiya 9-kii Juun, wuxuu Cawad sidoo kale cambaareeyey “howlaha sharci darrada ah” ee ay DP World ka waddo Somaliland iyo Puntland kuwaasoo uu ku sheegay kuwo ku tumanaya madax bannaanida Somalia, aadna usii xumayn doona xiriirka labada dal.

“Xukuumaddii Somalia ee Hasan Sheikh oo lacag u xilanaysa ayaa taageertay dagaalka Yaman, iyada oo fasaxday in cirka, badda iyo dhulka Somalia loo adeegsado weerrada Yemen,” ayuu yiri Shire.

Yeelkeede, doollarka Imaaraadku hadda ma han kicinayo Somalia. Turkey iyo Qatar ayaa saamayn adag ku leh xukuumadda hadda jirta ee Somalia, sidaa darteed, Imaaraadku waa ku dhib mudan doonaan inay lacag kusoo xero geliyaan.

Hadalsame Media