Wasiir ka tirsan DF Somalia oo sheegay hadal ISTARAATIJIYAD ahaan khalad ah (Sharraxaad looga baahan yahay)

0

(Muqdisho) 13 Luulyo 2020 – Waxaa isa soo taraya warka ku saabsan inuu Imaaraadku hollinayo inuu Somalia ka dhaadhiciyo inay si rasmi ah u sheegato jasaa’irka Suqadra oo ay iminka sharciyan maamusho Yaman, balse aad ugu dhow xeebaha bari ee Somalia, aadna uga fog Yaman oo meesha timid.

Jasaa’irkan ayay Soomaali badani aaminsan yihiin inay Somalia ugu yaraan ku dooddo, maadaama ay wax badan ka qaadanayaa aag badeedka maxalliga ah ee ay Somalia lahaan lahayd (EEZ), haddii ay jasaa’irkani Somalia ka tirsan yihiin, waxaana 2010-kii la sheegay inay Somalia QM hor dhigtay codsi ah in la go’aamiyo maqaamka jasaa’irkan.

Yeelkeede, waxaa jira hadal kasoo yeerey Wasiir Dibadeedka Somalia, Md Cawad oo qiraal aan abid horay uga imanin sarkaal Soomaaliyeed ku sheegay inay jasaa’irkani ”abidkood ka tirsanaan jireen dalka Yaman”, taasoo aan taariikhiyan run ahayn, maadaama wax 100 aan sidaa uga badnayn uun ay bilaabatay in la calaamadiyo xuduudo sita magac waddan, marka la eego dalalka ku yaalla gobolkan.

“Soomaalidu ma aha alaab rakhiis ah oo loo adeegsado fulinta baahidadaa. Yaman waa dal aannu deris iyo walaal nahay oo madax bannaan,” ayuu yiri Wasiir Dibadeedka Ahmed Issa Awad.

“Duniduna waxay Socotra u aqoonsan tahay dhul ka tirsan Yamn, iyadoo sidaa ahayd tan iyo cahdiyadii hore,” ayuu daba dhigay, waloow aan middan dambe la isku raacsanayn.

Xitaa haddii aysan waqti xaadirkan ku qaabsamayn inay Somalia sheegato jasiiradahan, waxaa khalad ah in uu Wasiir ka tirsan DF Somalia si cad u sheego inay jasiiradahani yihiin kuwo ay Yamani iska leedahay taariikhiyan, taasoo dileeysa moowqifka ay Somalia arrintaa ka qaadan kari lahayd xilliga ku habboon.

Yeelkeede, maadaama uu warkani ahaa mid ku qornaa bog ay Yamaniyiin iska leeyihiin, waxaa muhim ah inay DF sharraxaad ka bixiso inuu warkaasi iyada ka yimid iyo in kale.

Hadalsame Media