Muxuu Dastuurku ka leeyahay cidda maamulaysa waxbarashada dalka? Ma DF Somalia mise maamullada?

0

(Hadalsame) 13 Luulyo 2020 – Waxaa markale soo cusboonaaday murankii u dhaxeeyey DF Somalia iyo Maamulka Puntland ee dhanka cidda maamulaysa imtixaannada shahaadiga ah ee gobolkaas.

Wasiirka Waxbarashada DF Somalia, Md Cabdullahi Goodax Barre, ayaa wareysi uu siiyey idaacadda VOA ku sheegay in ”DF Somalia aysan wax shahaado ah siin doonin ardayda Imtixaanka ku gashay Puntland”, isagoo ku dooday in aanay ”qiimayn karin arday aanay imtixaan ka qaadin”, marka ay timaaddo sida lagu mutaysanayo deeqaha waxbarasho ee la helayo.

Haddaba, muxuu Dastuurka dhexe oo uu laftiisa ka muuqdi jahawareer iyo is burrin badan uu ka qabaa arrintan, marka loo kuurgalo qodobka 54-aad ee Dastuurka KMG ah oo laftiisu muran dhalis ah, maadaama lagu doodo inay DF arrimihii ay xaqa u lahayd kala tashato maamullada.

Yeelkeede, wuxuu Qodobka 54-aad qorayaa sidatan: ”Kala Qaybinta Awoodahah Awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa ka wada xaajoonaya Xukuumadda Federaalka ah iyo Dowladaha ka mid noqonaya Dowladda Federaalka marka laga reebo:

A) Arrimaha Dibadda; B) Difaaca Qaranka; C) Jinsiyadda iyo Socdaalka iyo D) Siyaasadda Lacagta, oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyadeeda yeelaneyso Xukuumadda Federalka Soomaaliya.

Marka aad qodobbadan eegto waxbarashadu kuma qorna waxyaabaha u gaarka ah DF, balse misna ma cadda cidda sida go’an u maaraynaysa, waana wax u baahan in meel la saaro, balse waa in arrinta loo wajahaa si deggan oo aan looga hadlin qaab middi middi ku taag ah oo u wada ah umadda isla markaana cadaali ah, iyadoo ay daruuri tahay inaan markasta la abuurin doodo maalaa yacni ah oo aan qofna waxba ugu kordhayn.

Hadalsame Media