Qaban qaabada aas qaran oo loo sameeynayo Xasan Abshir Faarax oo ka socota Xafiiska RW Khayrre + Sawirro (Calanka oo hoos loo dhigayo)

0

(Muqdisho) 13 Luulyo 2020 – War kasoo baxay xafiiska RW Xasan Cali Khayrre ayaa lagu sheegay in aas qaran loo samaynayo RW hore ee dalka Xasan Abshir Faarax.

”Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shir ay isugu yimaadeen guddiga qabanqaabada aaska Qaran ee loo sameynayo Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Abshir Faarax oo shalay ku geeriyooday dalka Turkiga,” ayuu u dhigan yahay war haatan kasoo baxay Xafiiska RW Khayrre.

”Shirka ay isugu yimaadeen ayay Guddigu uga hadleen keenista maydka iyo aaska qaran ee lagu maamuusayo.” ayaa la daba dhigay.

Dhanka kale DF Somalia ayaa go’aamisay in muddo 3 maalmood ah calanka hoos loo dhigo, si loogu Baroor diiqo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Abshir Faarax oo qayb muhiim ah kasoo qaatay dib-u-yagleelidda dowladnimada Soomaaliya, sida warbixinta ku cad.

AUN Xasan Abshir ayaa shalaytoole ku geeriyoodey magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga oo uu ku xanuunsanayey.

Hadalsame Media