Turkiga oo ciidan hor leh u tababaraya Somalia (Halka aad kala xiriiri karto)

0

(Muqdisho) 13 Luulyo 2020 – Waxaa bilaabmaysa tababaridda dufcad cusub oo ka mid noqonaya Xoogga Dalka Somalia (SNA) ee lagu tababarayo Saldhigga Turkiga ee Jasiira (Turksom).

Waxaa lasoo dhejiyey ogaysiis cusub oo lagu sheegayo in uu durba socdo xulashada dadka ka mid noqonaya ciidamada halkaa lagu diyaarinayo, kuwaasoo waxyaabaha laga doonayo ay ka mid yihiin inuu da’ yar yahay, jir ahaan fayo qabo, isla markaana aanu balwad lahayn.

Ciidamada halkan lagu diyaarinayo ayaa loo qaadanayaa Ururka 6-aad ee Ciidamada Lugta Soomaaliya, waxaana tacliinta oo la siinayo askar dableey ah la bilaabayaa 13-ka Sebtembar, halka ay is qorista oo bilaabatay 10-kii bishan Luulyo ay ku egtahay isla 30-keeda.

”Waxaa bilowday xulitaanka ciidamada lagu tababari doono Xaruunta Tababarka TURKSOM. Is qoristu waxay ku egtahay 30-ka Luulyo 2020.” ayaa uu u qornaa war kasoo baxay xerada.

Wixii faah-faahin ah kala xiriir 0614796410.

Hadalsame Media