Arrin dabci u ah dadka Soomaalida oo u daran DOWLADNIMADA!

0

(Hadalsame) 11 Luulyo 2020 – Caadada ama caadaysiga oo qayb weyn ka ah hab-dhaqanka dadku waa maaddo aqooneed oo ay baadhisteeda aad u xiiseeyaan culimada cilmi nafsigu.

Waa hubaal in ay dunida buuxdhaafiyeen buugaag iyo baadhitaanno ciwaan loo ga dhigay “Habit”, “Good Habit”, “Bad Habit”, “Good Habit – Bad Habit”, “The Power of Habit” iwm.

Maxaynnu si ama wax u caadaysannaa ee u gu soo celcelinnaa innaga oo si ama wax ka duwan oo ka wacan samayn karna? Daraasad aan beri hayn jiray oo jaamacad Maraykan ah la gu diyaariyay wax ay sheegaysay dhaqan maalmeedka dadku boqolkiiba afartan in aanu ku iman go’aanno aynnu gaadhno ee ka yimaaddo caadaysi aynnu is ka samaynno.

Waxa aynnu joogto u gu soo celcelinno kolka aynnu la qabsanno maskaxdeennu u ma baahna in ay fekerto oo wax qiimayso dabadeed go’aan dan ah gaadho, ee waa aynnu samaynnaa uun, oo xitaa u ma baahnin in aynnu qorshaynno ama xusuusanno. Sidaa darteed nolosheennuba wax ay ku dhisan tahay caadaysi, taas oo xumaan iyo wanaagba inoo leh.

Ogow oo taasi waxba ka ga ma duwana hab-nololeedka xoolaha. Dhanka kale in aad wax ama si qudha ku soo celceliso laba amuuroodba waa ay ka dhalan karaan: waxaa in naad ka xiise dhacdo, ku daasho oo nacdo, ama sida aynnu xusnay in aad la qabsato, ku xidhanto oo caadaysato.

Qofka iyo bulshadu waxa ay caadaystaan haddii ay xun tahay waa ay eedaan haddii ay wanaagsan tahayna waa ay u aayaan. Horumarka wacyiga iyo danta noloshu wax ay ku jiraan in mar walba maskaxda la gu qiimeeyo in ay jiri karaan si ama wax dhaama sida iyo waxa la samaynayo.

Dadka fikirka iyo dhaqaalahaba ku guulaysta badanaa waxaa la gu sheegaa in ay yihiin dad u fekeray ama wax u sameeyay sidii jirtay si ka duwan. Bulsho ahaan waxyaalaha xunxun ee aynnu caadaysannay ee la qabsannay, dabadeed eednay, waxaa kow ka ah qofka naannaabka ah ee siyaasiga la yidhaahdo oo loo dulloobay.

Soomaaligu qof ahaan dabadeed bulsho ahaan wax uu caadaystay oo oggolaaday, oo aan dhiillaba gelin, dawladdiisa iyo waxa dawladdiisaa ku jira in ay cidda markaa talada haysaa iyadu leedahay, uuna ciddaa u daayo oo ku daawado, ama ku kaco oo ku dumiyo. Ma garanayo dawladdiisa in uu mar walba ka ilaashado ciddii aan isaga u gu adeegayn.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media