Shirka Dhuusamareeb oo ay dhinacyadu isu DHAKAN yihiin (Arag dheesha socota)

0

(Dhuusamareeb) 11 Luulyo 2020 – Waxaa maanta lagu wadaa inuu magaalada Dhuusamareeb ka bilaabanayo shirka Maamullada, kaasoo shalay sabab aan la sharrixin dib ugu dhacay.

Wararka soo gaaraya Hadalsame Media ayaa sheegaya inay maamulladu isu gamban yihiin, tusaale ahaan, maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa la sheegayaa inay goobta la imanayaan dood ku fadhisa in maadaama aanay iminka jirin wax wayn oo ay isku khilaafsan yihiin DF iyo Maamullada in ay si toos ah u wada hadlaan.

Deeto Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo uu warkii kasoo baxay DF turubkii ka boolleeyey ayaa la sugayaa jawaabta ay bixiyaan, iyadoo ay dhici karto inay is adkeeyaan.

DF Somalia ayaa shalay soo saartay War Saxaafadeed diley ajendihii shirka Dhuusamareeb, maadaama waxyaabaha ay ka doodi lahaayeen ay u badnaayeen waxyaabihii ay DF sheegtay inay ogoshahay, sida doorasho la isla ogol yahay, muddo kororsi la’aan iwm.

Dhanka kale, shirkan ayaa ka ballaaran sida la filayo, waxaana lagu wadaa inuu u xuub siibto mid lagu gaarayo go’aamo muhim ah iyada oo uu jiro cadaadis ka imanaya dhanka QM iyo Maraykanka.

Hadalsame Media