DHEGEYSO: Geeridii Sh. Cabdiraxmaan Sh. Muxidiin Celi oo la baarayo (Su’aalaha ugu adag ee la is waydiinayo)

0

(Gothenburg) 10 Luulyo 2020 – Miyuu caabuq-sidaha karoonaha ka badbaadi lahaa Sheekh Cabdirahmaan Sheikh Muxadiin Celi oo ku geeriyoodey Göteborg haddii uu xilliga ku habboon heli lahaa dawadii uu xaqa u lahaa, sida uu markale baahiyey SVT.

Waa su’aasha ay salka ku hayso baaris ay waddo qaybta amaanka bukaanka ee lex Maria oo ay amba qaadayso hay’adda Kormeerka Caafimaadka iyo Daryeelka ee IVO.

24kii Maajo, madaxa shaqooyinka ee bukaan socod eegtada Biskopsgården ee Göteborg ayaa waxaa wacay wargays fiidle ah, kaasoo wax ka waydiiyey waxa uu ka og yahay bukaan dhowr mar lasoo xiriirey xaruntaas.

Waxaana dhacdooyinka ku jirta hal guntin oo muhim ah, waana in aaan dhakhaatiirta loo fasixin inay u tegaan imaamka balse ay telefoon uun kula hadleen, waxaana sidoo kale la is waydiinayaa sida aysan kalkaalisadu ugu dirin qaybta deg degga ah ee isbitaalka ama aanay aambalaas ugu wicin.

Hadalsame Media