RASMI: Denmark oo ku dhawaaqday inay fureeyso xadka dhulka ee ay la leedahay Sweden & shuruud la socota (Dhegeyso)

0

(Copenhagen) 09 Luulyo 2020 – Dalka Denmark ayaa Sabtiga furaya xadka uu la leeyahay gobolka Skåneland sida ay iminka faafisay hay’adda xakamaynta iyo kahor tagga cudurrada faafa ee Serum Institut (SSI).

Denmark ayaa horay u ogolaatay Västerboten, Kronoberg iyo Blekinge oo ka hooseeyey qoondada 20 cudurka ka qabta 100-kii kun ee qofba, waxaana loo fasaxayey Denmark. Waxaana haatan liiskaas ku biiraya gobolka Skåne.

Heerka cudurrada faafa ee Gobolka Skåne ayaa haatan maraya 13.8, taasoo ka hooseeysa 20, oo ah xadka ay dhigeen Denish-ku, marka loo qaybiyo 100-kii kun ee qabta cudurka Covid-19. Waa se inaad caddayn kartaa inaad deggan tahay meelaha aannu soo sheegnay.

Hadalsame Media