”Ma jiro wax muddo kororsi ah waxaana la qabanayaa doorasho la isla ogol yahay” – RW Khayrre oo ku celiyey moowqifkiisii hore

0

(Muqdisho) 09 Luulyo 2020 – Waxaa maanta qabsoomay kulankii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada DF Somalia, kaasoo lagu lafa guray arrimo ay ka mid yihiin kuwa doorashooyinku, gaar ahaan moodalka ay soo bandhigtay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Xaliimo Yareey.

Wararku waxay intaa raacinayaan in wasiirrada qaarkood ay keeneen hindise ah in Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdi uu hoggaaminayaa ay tagaan magaalada Dhuusamareeb, ee caasimadda Galmudug, halkaasoo ay maanta iskugu tageen maamullada oo ay qaarkood is khilaafsan yihiin DF.

Yeelkeede, qaar kale ayaa soo jeediyey in laga war sugo waxa kasoo baxa shirka maamul-goboleedyada, maadaama iyaguba ka gows adaygeen shirkii uu ku casuumay Madaxweynaha.

RW Khayrre uu markale ku celiyey soo jeedintiisii ahayd in la qabto doorasho la isku waafaqsan yahay, taasoo ay dabcan ku jiraan maamulladu.

Ra’iisul Wasaare Kheyrre: “Muddo kordhintu waxay horseeddaa qalalaase siyaasadeed, did amni iyo mid dastuur.” ayay ilo shirka ku dhow dhowi kasoo koobiyeen RW Khayrre oo la hadlaya Wasiirrada. “Waa in laga fogaadaa fikir kasta oo ku dhisan muddo kordhin.” Ayuu hoosta ka xarriiqay.

RW Khayrre ayaa carrabka ku adkeeyey in la qabanayo doorasho loo dhan yahay oo ay ogol yihiin dhinacyada siyaasaddu, isla markaana aanay iman doonin wax muddo kororsi ah, isagoo tibaabaxay in diiradda la saarayo arrimaha doorashooyinka wixii haatan ka dambeeya.

Hadalsame Media