Puntland oo shirka Dhuusamareeb la tegeysa shuruudo adag (Ma socon doonaan maxaase ka mid ah?)

0

(Dhuusamareeb) 09 Luulyo 2020 – Wararka nasoo gaaraya ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo iminka ka degey magaalada Dhuusamareeb, uu shir gaar ah lasoo qaatay guddi ka kooban wasiiro iyo la taliyeyaashiisa gaarka ah ee ku wehliya shirka maamullada ee magaalada Dhuusa-Mareeb.

Waxaa nasoo gaareysa inay ka wada hadleen doodda ay la gole iman doonaan marka uu furmo shirku, gaar ahaan mawaadiic ay ka mid yihiin; dibu eegista Dastuurka, metelaadda Gobalka Banaadir, doorashada oo ay ku doodayaan in aan dib loo dhigin sinaba iyo qaar kale.

Waxaa kale oo doodda Puntland miiska la tegeyso oo horayba usii degsan shuruudona u eg ka mid ah in moodalka doorashada la isku raaco iyo in meesha gebi ahaanba laga bixiyo wax la yiraahdo 4.5.

Puntland, ayaa sidoo kale codsan doonta in gogosha ugu dambaysa ee wada hadallada lagu gaarayo is fahamka siyaasadeed lagu qabto magaalada Garowe, oo ay iyadu marti geliso.

Arrimahan oo dhan ayaa ah shaqada ay leedahay DF Somalia ee dhexe, lamana oga sida ay u aqbali doonto xitaa haddii halkan lagu gaaro heshiis noocaas ah, sidoo kale, maadaama la wada hadlayo waxay maamullada kale qabaan in laga wada hadlo ajendayaal loo dhan yahay oo aanay cid gaar ihi jeebka ku wadan.

Hadalsame Media