DEG DEG: MW Farmaajo oo taageeray mowqifka RW Khayrre (Ma arrin sii degganayd baa mise?)

0

(Muqdisho) 09 Luulyo 2020 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay baaqa Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in doorashada soo socota ay ku qabsoonto waqtigeeda.

“Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta dimuqraadiyadda dalka iyo in la sii horumariyo hannaanka doorasho, iyada oo mar walba awoodda loo sii dhaweynayo shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay inaan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin.” Ayaa la daba dhigay.

Arrintan ayaa muujinaysa inay madaxda xukuuumaddu ku midaysan yihiin aragtida uu ka dhawaajiyey RW Khayrre, waloow aan la ogayn inay xaajadu tahay kugu bariday iyo soo booddo.

Hadalsame Media