Sida cajiibka ah ee Caa’isha magaca u xulatay? Waa kuwee Muslimiinta ay fileeysey inay Talyaaniga kula kulmi doonto? Soomaalidu maku jiraan? (Qaybtii 4-aad)

0

(Milano) 09 Luulyo 2020 – Gabadha dhowaan soo islaamtay ee Aisha Silvia Romano yaa bixisay waraysigii ugu horreeyey ee rasmi ah ee ay uga hadlayso sida ay ku Islaamtay iyo waxa ku dhiirri geliyey iyo sida ay hadda ula qabsatay diinta ku cusub ee ay qaadatay. Haddaba waxaad akhriseen qaybtii 3-aad, kusoo dhowaada qayb kale.

Hadda ma waxaad dareentaa inaad intii hore ka xornimo yar tahay marka aad socoto ama shaqada aadayso, ama aad dadka la kulmayso?

Marka aan dibedda u boxo waxaan dareemaa inay dadku i jalleecayaan. Ma hubo inay i aqoonsadeen iyo in ay sidaa u yeelayaan jalbaabka dartii. Waxaan u qabaa inay dadku la yaabban yihiin inaan sidaa u lebbisto aniga oo Talyaaniyad ah. Yeelkeede, aniga gaar ahaan wax ii dhibi mayso. Waxaan ahay qof xor ah oo Ilaahay ilaalinayo.

Sidee magacaaga u xulatay?

Hal habeen, ayaan ku riyooday aniga oo Talyaaniga kusoo guryo noqday. Waxaan gelayey tareenka dhulka hoostiisa ah magaca kaarka lagu raaco iigu qoranina wuxuu ahaa Caa’isha.

Ma dareensan tahay in aad maanta tahay qof ka fiican midkii aad ahaan jirtey?

Hadda si intii hore ka badan ayaan u dulqaad badnahay oo ugu xushmad badnahay waalidkey — awal sidaa ma ahayn mar kasta, sidoo kale hadda sidii hore waan ka gacan furanahay oo ka naxariis badnahay. Haddii uu qof i dulmiyo hadda ma dareemo caro iyo xanaaq. Ma dareemo inaan u baahnahay inaan xumaan ugu jawaabo, balse waxaan isku dayaa inaan qofkaa fahmo. Waxaan qabaa inuu sidaa u yeelayo dhib haysta. Haddii aan awoodo waxaan isku dayaa inaan caawiyo.

Maxaad ka fileysey Muslimiinta Talyaaniga?

Ma sugi karaynin inaan barto Muslimiinta, balse waxaan u malaynayey inay dhib badnaan doonto. Qorshahaygu wuxuu ahaa inaan maro jidka Via Padova, ee aan galo dukaamada iyo kawaannada Muslimiinta oo aan iraahdo, “Assalaamu caleykum.” Ilama ahayn inay dadku ii bar garan doonaan sida hadda. Waxaan filayey inaan Ramadaanka kaligeey soomi doono.

Balse taa biddaalkeeda, waxaan helay haddiyado, warqado tiro beel ah, iyo muuqaalkii lagu daabacay warqaadka La Luce ee ay igu taageerayeen Muslimiinta Talyaanigu. Aad baan u ashqaraaray si qoto dheerna abaal baan uga hayaa.

Maxaa kuugu yaab badnaa ee aad ku aragtay bulshada Muslimiinta?

Ugu horreeyn, maba filaynin inay Muslimiin sidaa u badani Talyaaniga ku nooshahay. Waxaan filayey inaan la kulmi doono inta badan Musliimiin Masaari, Marookaan, ama Afrikaan ah. Taa biddaalkeeda, waxaanba koowdii la kulmay Muslimiinta Talyaaniga ah, waxayna igu ahayd la yaab wayn. Waxaa i taabatay hiillada la ii muujiyey, ma ahayn Milano oo qura e meel kasta oo aan tago waxay ii ahaayeen sidii qoys 2-aad.

Kaddib waxaan helay xaqiiqo ah inay jiraan jamciyado badan oo Muslim ah oo ka jira Milano iyo meelo kale, kuwaasoo ay ka go’an tahay caawinta dadka liita, kuwa jilicsan iyo dhibbanayaasha cadaalad darrada. Waxaan si gaar ah ugu dhow ahay mashruuca Progetto Aisha, kaasoo la macaamila arrimaha jinsiga. Tillaabooyinkaa horseedka ah oo dhami waxay igu dhiirri gelinayaan inaan ka qayb qaato oo tillaabo qaado.

DHAMAAD….

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

hadalsame Media