”Waa dilney!” – Imaaraadka Carabta oo Turkiga kula kacay arrin uu caalamku la yaabban yahay!

0

(Ankara) 07 Luulyo 2020 – Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa Turkiga kula kacay arrin aad uga caraysiisey, kaddib markii ay sheegeen inuu dhintay Abaanduulka Ciidamada Turkiga Jen. Yaşar Güler, weliba intaa kuma harine, waxay galeen bogga Wikipedia iyagoo ku daray xogta ”geerida” ay allifeen ee taliyaha.

Warkan ayay qoreen kaddib markii ay dayuurado aan la garanayn oo isla Imaaraadka lagu tuhmayo la sheegay inay duqeeyeen saldhig-cireedka al-Watiya oo uu Turkigu saldhig rigli ah ka dhigan rabo, taasoo uu aad uga caroodey Turkigu.

Waxaa bilowgii warkan faafiyey Sky News Arabia TV, kaasoo ay qayb ku leedahay dowladda Imaaraadku, kaasoo ku dhiirradey inuu sheego ”Jen. Güler wuxuu ku dhintay dagaalka”, waxayna deeto Wikipedia ku qoreen inuu xijaabtey Jeneraalka oo Libya ku sugan.

Saldhigga al-Watiya oo ay 14-bilood la wareegeen ciidamada GNA isla markaana lagu gubey dhowr Pantsir-1 oo uu Imaaraadku siiyey ciidamada LNA ee Xaftar ayaa weji gabax iyo ceeb ku noqday Imaaraadka oo sanadihii yaraa ee dambe noqday dal yar oo qar iska tuur ah.

Intii aanu dhicin weerarka lagu duqeeyey al-Watiya, waxaa Libya joogey Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Hulusi Akar, oo ay wehliyaan Abaanduulka Jen. Güler iyo saraakiil sare oo Turki ah, iyadoo Turkiga loo qaaday askar Libyan ah oo halkaa kusoo tababaranaya.

Human Rights Watch (HRW) ayaa dhanka kale sheegtay dabayaaqadii Abriil in weerar ay gaysteen dayuuradaha Imaaraadku oo ka dhacay Wershad Buskutka sameeysa oo ku taalla koonfurta Tripoli, Nofeembar 18, 2019, ay ku dhinteen 8 rayid ah, isla markaana ay ku dhaawacmeen 27 kale. Waxay sidoo kale taageeraan calooshood u shaqaystayaal caalami ah oo caawiya Khaliifa Xaftar.

Hadalsame Media