SAWIRRO: Gobolka Soomaalida oo door horseed ah ka qaadanaya arrimaha Itoobiya (Tillaabo ay ku dhaqaaqeen)

0

(Jigjiga) 07 Luulyo 2020 – Warar ka imanaya dhanka Jigjiga ayaa sheegaya in Madaxweynaha Gobolka Soomaalida, Mustafa Muxumed Cumar iyo qaar ka mid ah isimadda dhaqanku ay ku dedaalayaan inay kala dhex galaan khilaaf ka dhex jira Oromada.

Oromada oo muujinaysa jahawareer siyaasadeed ayaa aad iskugu khilaafsan sida laga yeelayo dilkii fannaankii caanka dhexdooda ka ahaa ee Hachaaluu Hundesaa, iyadoo ay Oromadu xambaarsan tahay siyaasado is diiddan oo aan la fahmaynin halka ay u socdaan, tusaale qaar baa doonaya inay go’aan, halka ay qaar kale doonayaan inay Itoobiya oo is haysata xukumaan.

Madaxweynaha Gobolka Soomaalida iyo xubnaha Isimadda ah ayaa sheegay in ay dhibaatada la qeybsadeen Qowmiyada Oromadda isla markaana u caqli celiyeen oo ay dareensiiyeen muhiimada ay leedahay in aan dhexdooda laga faa’iideysan, ayna garowsadaan isbedelka guud ee dhacay in uu cadowyo badan yahay.

Sidaas oo kale, maalmaha soo socda ayay sheegeen in ay dhici doonan isku soo dhawaansho guud, lagana hor tegey qorshe ”dibin-daabyo” ku ahaa Isbedellada Itoobiya, sida ay yiraahdeen.

Soomaalida Itoobiya maamusho ayaa laftooda lagu dhaliilaa han-gaabni iyo khilaaf gudeed ragaadiyey qaddiyaddooda ka qoowmiyad Soomaaliyeed oo ay dani ka dhexeeyso, waloow uu maamulka iminka jira muujiyey inuu ugu yaraan fahamsan yahay muhiimadda arrintaasi.

Hadalsame Media