SAFARKII RUUXIGA AHAA: ”Aayado Qur’aanka ka tirsan ayaa QALBIGAYGA ku dhacay!!” – Aisha Romano oo waraysi dheer bixisay (Qaybtii 2-aad)

0

(Milano) 07 Luulyo 2020 – Gabadha dhowaan soo islaamtay ee Aisha Silvia Romano yaa bixisay waraysigii ugu horreeyey ee rasmi ah ee ay uga hadlayso sida ay ku Islaamtay iyo waxa ku dhiirri geliyey iyo sida ay hadda ula qabsatay diinta ku cusub ee ay qaadatay. Haddaba waxaad akhriseen qaybtii 1-aad, kusoo dhowaada qayb kale.

Suaalaha noocan ihin maku dareensiiyeen inaad kasoo raysay? 

May, markasta oo aan is waydiiyo waxaa igu kordhayey ooyin iyo jirro. Waan caraysnaa maxaa yeelay ma heli karin jawaabta; waxaan se ogaa inay jirto oo ay tahay inaan helo. Waxaan ogaa inay jiraan wax awood badan oo aanan weli garan karin. Waxaan fahmey inuu jiro qorshe uu qof ii qoondeeyey.

Tillaabada xigtaa waxay timid markii la i xirtey ee aan xabsiga (Al Shabaab) galay, halkaasi waa meesha aan ku bilaabay fikirka ah, “Laga yaabee in la ii ciqaabayo dembiyada aan galay, waayo isaga (Ilaah) ma rumaysnayn, aad baana uga fogaa.”

Hadafka kale ee wayn waxaan gaarey bishii Jannaayo. Waxaan ku xirnaa Somalia; waxay ahayd habeen aan hurdayey, waana markii iigu horreeysey ee aan maqlay daroon wax duqaynaya. Waan argagaxey, waxaana dareemay inaan dhimanayo. Kaddib waxaan bilaabay inaan Alle baryo, oo aan waydiisto inuu markale qoyskayga i tuso. Waxaan waydiistey fursad kale. Waa markii iigu horreeysey ee aan dhanka ALLE u jeesto.

Qolyaha ku haystey ficilkoodu waa sharci darro oo qof bay xaq darro ku haystaan, marka soow ma adka inuu qof idiintiisa ku dhegganaado? 

Waxaan akhriyey Qu’raanka, kumana arag wax is burin ah; Waxaan markiiba fahmey inuu kugu hanuuninayo wanaag wayn. Qur’aanku ma aha wax ay Al Shabaab qoreen. Waxaan dareemay inuu mucjis yahay. Raadinteeydii ruuxiga ahayd sidaa ayay ku socotay, waxaana si isa soo tareeysa u noqday qof ku baraarugsan jiritaanka Ilaahay. Waxaan mar ku fikiray inuu Alle khibraddan igu tusayey wadiiqo nololeed oo aan xor u ahay inaan raaco ama aan iska daayo. 

Ma lahayd awood aad kula macaamisho xaaladdaasi?

Quus baan taagnaa, maxaa wacay, marka laga reebo mashquullo yar sida barashada Carabiga, iima caddayn mustaqbalkaygu. Yeelkeede, markii aan muddo joogey waxaan helay dareen xooggan oo ku saabsan inuu Ilaahay i caawinayo isla markaana uu i tusayo jidka iyo sida.

Sidee ahaa xiriirka aad la lahayd Qur’aanka?

Markii 1-aad, 2 bilood bay igu qaadatay inaan akhriyo Qur’aanka, markii 2-aadna si qoto dheer ayaan uga baaraandegey wixii aan akhrinayey. Maalin kasta waxaan dareemayey tamar dheeraad ah oo aan rabo inaan sii akhriyo, ilaa aan Islaamka ka qaato.

Aayadaha qaar aaya runtii QALBIGAYGA KU DHACAY; waxay ahayd sidii in Ilaahay si toos ah ila hadlayom, waxaan sidoo kale akhriyey buugga Baybalka waxaana ogaadey meelo ay iska shabbahaan Masiixiyadda iyo Islaamku. Ugu dambayn se Qur’aanka ayaa iigu muuqdey qoraal muqaddas ah oo sida mabaadii’ cad oo ii jihayn kara dhanka ALLE.

La soco qayb kale….

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

hadalsame Media