Somalia oo kaddib Afrika kaalin 1-aad ka gashay dalalka Jaamacadda Carabta oo dhan

0

(Muqdisho) 07 Luulyo 2020 – Somalia ayaa kaalinta 1-aad ka gashay dalalka ku jira Jaamacadda Carabta marka ay timaaddo rakhiisnimada dhanka internet-ka, iyadoo horay u xiratey kaalinta 1-aad ee Afrika.

Waxaa tusaale ahaan halkii GB Somalia la iibiyaa nus doollar, halka dalka kusoo xiga dhanka rakhiisnimada oo ah dalka Suudaan uu sicirku yahay .63 ama doollar kumi ka badan dhiman, sida ku cad warbixin uu diyaariyey bogga Cable.

Dalka ugu qaalisan waa dalka ay dagaallada sokeeye la degeen ee Yaman oo halkii GB la iibinayo lacag ku dhow 16 doollar, waxaana kasii korreeya dal kale oo ay isna dagaallo daashadeen oo ah Suuriya oo halkii GB uu  ku dhow yahay 7 doollar ku dhan, taasoo muujinaysa khasaaraha iyo dib u dhaca dagaallada sokeeye.

Dalka Somalia ayaa sidoo kale kaalinta 1-aad Afrika uga jira dhanka rakhiisnimada sicirka halka GB, ayaa dunida uga jira kaalimaha ugu hooseeya wuxuu fadhiyaa kaalinta 200-aad waana 0.86, waxaana ka hooseeya dalal ay Itoobiya, Niger, Muritaaniya, Turkeministan iyo Yaman oo ah dalka dunida ugu liita dhanka Internet-ka.

Hadalsame