DEG DEG: Madaxwayne karoonaha YASI jirey oo uu soo ritey (Dalkiisa oo ay kiisasku faraha kasii baxayaan)

0

(Brasilia) 07 Luulyo 2020 – MW Brazil ee Jair Bolsonaro ayaa laga helay cudurka karoonaha. Ninkan ayaa tijaabo laga qaaday kaddib markii uu lasoo baxay astaamihii cudurka Covid-19, sida qandho sare.

Mr Bolsonaro oo muxaafid ah siyaasad ahaan, isla markaana Brazil oo ah dal Liberaal ah u jiheeyey dhanka Israel, ayaa aad u yasi jirey fayruskan oo uu ku sheegi jirey ”hargab yar”, isagoo ku faani jirey inuusan wax wayn u dhimi karin.

Wuxuu madaxda Maamul-goboleedyada ku cadaadin jirey inay fududeeyaan handaraabka oo uu sheegay inuu dhaqaalaha waxyeelleeyey, isagoo shalay hoos u dhigay shuruudaha xirashada maasgaraha.

Bishii Abriil, wuxuu sheegay in xitaa haddii uu ku dhoco cudurka karoonuhu ”aanu waxba dareemi doonin.”

Markii uu sidaa u hadlayey geerida Covid-19 waxay ka hooseeysey 3,000, halka ay kiisasku marayeen qiyaastii 40,000.

Yeelkeede, lambarradu cirka ayay isku shareereen markaa kaddib, waxayna haatan kiisasku marayaan 1,628,283, halka ay dhimashadu mareeyso 65,631 ay 75 qofi maanta oo ay weli xilli hore ka tahay Brazil dhinteen, waxaana ay Brazil sii dhaafaysaa Maraykanka oo 1-aad ku jira.

Hadalsame Media

Facebook Comments