DAAWO: Goolwale ay BIRIQI ku dhacday isaga oo ciyaaraya & laacibiintii kale oo indhohooda aamini waayey

0

(Lyubertsy) 07 Luulyo 2020 – Waxaa soo baxay muuqaal cabsi leh oo muujinaya markii ay laacibkan Ivan Zaborovsky, oo ka tirsan kooxda Znamya Truda ee ka dheesha heerka 3-aad ee Ruushka ay biriqi ku dhacday isaga oo tababar ku jira.

Goolwalahan da’da yar ayaa markiiba isbitaalka loola orday, waxaa se muuqaalka laga arki karaa goortii ay biriqdu ku dhacaysey goolwalaha oo usii ordayey dhanka shabaqa si uu shuud uga qabto laaciibiinta oo toog dheer kasoo tuurayey geesaha garoonka.

Goolwalahan 16-jirka ah ayaa isaga oo aanay cidina u dhowayn, waxaa mar qura qabsanaya bus ka samaysan qaac madoow, waana marka ay biriqdku ku dhacday.

Zaborovsky ayaa deeto loola cararayaa isbitaalka Orekhovo-Zuev ee ku yaalla Lyubertsy, halkaasoo arrintiisa lagula xaalayo iminka.

Hadalsame Media