”Ka jeesan mayno biya xireenka!” – RW Abiy Ahmed oo si dadban Masar & siyaasiyiin maxalli ah ugu eedeeyey rabshadaha Itoobiya

0

(Addis Ababa) 07 Luulyo 2020 – RW Itoobiya ee Abiy Ahmed ayaa sheegay in rabshadihii ugu dambeeyey ee dalkiisa ka dhacay looga dan lahaa qaab looga jeediyo buuxinta kaydka biya xireenka ay ka dhisayaan Webiga Niilka Buluugga ah, kaasoo uu sheegay in sidii hore uu qorshuhu sii ahaannayo, xitaa haddii ay diidaan dalalka Masar iyo Sudan.

Waxay rabshado ka bilowdeen caasimadda Addis Ababa iyo gobolka ku hareereeysan ee Oromia kaddib geeridii faj’ada ahayd ee fannaankii Hachalu Hundessa, oo u dhashay Oromada ugu ballaaran dalkaasi, waxaana ku dhintay in ka badan 160 qof.

Abiy ayaa isaga oo aan cidna carrabaabin sheegay in dilkaa looga dan lahaa in Itoobiya qalaanqal looga abuuro, si loo joojiyo qorshaha lagu buuxinayo biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam.

“Ujeedku wuxuu ahaa in Itoobiya isheeda laga jeediyo biyo xireenka. Haddii ay Itoobiya ogolaato inaysan biyo xireenka buuxin, waa inay dumisaa isaga dhan,” ayuu yiri Abiy oo su’aalo uga jawaabayey Baarlamanka.

Addis Ababa ayaa dareensan in ay u baahan tahay horumar dhaqaale, balse Qaahira iyo Kharduum ayaa ka cabsanaya in ay biyo badan waayaan haddii uu hirgalo biyo xireenkan, waxayna doonayaan in marka hore heshiis la galo, iyadoo ay todobaadkii tegey soo laabteen wada hadallada labada dhinac.

“Itoobiya ma aha Suuriya iyo Libya, waan buuxinaynaa kaydka biyo xireenka kaddibna tartiib ayaan heshiis u gaaraynaa sanadkan,” ayuu raaciyey.

Abiy, ayaa ku dhega hadlay siyaasiyiin maxalli ah oo uu sheegay inay ka faa’iidaysanayaan qalalaasaha ka dhashay geerida Hachalu.

“Dowlad ku noqon maysaan inaad dowlad burburinteeda isku daydaan, iyo inaad qoowmiyadaha isku dirtaan oo rabsho ka shaqaysaan,” ayuu yiri.

“Haddii ay Itoobiya Suuriya noqoto, haddii ay Itoobiya Libya noqoto, qof kasta waa khasaarayaa.” ayuu xusuusiyey, isagoo sheegay in Oromadu ay hadda xor yihiin oo horumar laga doonayo.

Hadalsame Media