Qadar oo Somalia ka wadda qorshe ballaaran (Kulan ay la yeelatay Guddoonka Baarlamanka)

0

(Muqdisho) 07 Luulyo 2020 – Waxaa magaalada Muqdisho ku kulmay Danjiraha dalka Qadar u fadhiya dalka Somalia, Xasan Bin Xamsa, iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal.

Labada mas’uul ayaa lagu soo warramayaa inay ka wada-hadleen arrimaha doorashada Somalia, oo ay dunidu galaangal u yeelanayso kaddib markii ay ku murmeen madaxda Soomaalida oo ku kala daaban dalal kala duwan oo ay danohoodu isa seeggan yihiin.

Faahfaahin intaa ka badan lagama bixin kulankan, balse ilo ku dhow dhow kulanka ayaa Hahalsame Media u sheegay inay Qadar doonayso in doorashada waqtigeeda lagu qabto, iyadoo waloow ay xigto dhanka DF misna doonaysa inay xiriir wanaagsan la yeelato maamullada qaar.

Waxaa sidoo kale dhowaan dalka Qadar booqasho aan xog badan laga helin ku tegey Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyrre, oo ay wararku sheegayaan inay si qarsoodi ah isu arkeen madaxda Turkiga, oo Qadarna olog dhow la ah, kaas oo la hadal hayo inay DF la gashay heshiis dhanka amaanka istaraatijiga ah.

Dowladda Qadar ayaa durba mashaariic ka bilowday Jubbalanad iyadoo kuwo kale ka wadda Banaadir, KG iyo Hirshabeelle. Waxay sidoo kale dawo gaysey magaalada Hargaysa.

Hadalsame Media