”Qaata qoraallo un baan soo saaraynaa!!” – Wargays kashifay dalal Carbeed oo Israel u fasaxay inay qaadato dhulka Falastiin (Magacyadooda)

0

(Tel Aviv) 07 Luulyo 2020 – Madax sare ee dalal Carbeed ayaa si cad u sheegay inaysan wax tillaabo ah ka qaadi doonin Israel haddii ay goosato qayb ballaaran oo ka tirsan Daanta Galbeed, sida uu qorayo warqaadka Israel ee Hayom.

Wargayskan oo u janjeera dhanka kooxaha xag-jirka ah ee midigta fog ayaa KASHIFAY in intii lagu jirey wada xaajood diblomaasiyadeed oo heer sare ah, ayay dowladaha Masar, Sucuudiga Carbeed iyo Imaaraadka Carbeed iyo dalal kale oo Khaliijka ihi ay Israel ugu laab qaboojiyeen inaysan qaadi doonin tillaabo micne leh, balse ay soo saari doonaan ”bayaanno afka uun ah oo cambaarayn ah.”

Yeelkeede, dowladahan ayaa sheegay inay wax kastaahi ku xirnaan doonaan fal-celinta shacbawiga ah ee ka timaada dhanka dadwaynaha dalalka ay xukumaan, oo haddii ay tusaale ahaan dhacaan arrimo ruxaya amaanka gudaha dalalkooda ay si kale wax u maareeyn doonaan.

Ilaa iminka, madaxda Carbeed boqorka Jordan ee King Abdullah ayaa ah midka qura ee Carbeed ee si toos ah uga soo hor jeestey arrinta ay Yuhuuddu ku doonayso inay ku dhacdo in badan oo ka mid ah dhulka u haray Falastiin, isagoo ka digey ”khilaaf ballaaran”, halka ay dowladaha kale bayaanno caato ah soo saareen.

MW Maraykanka ee Donald Trump oo lagu tilmaamo mid hirgelinaya siyaasad qar iska xoornimo ah ayaa Israel ku taageersan arrintan, isagoo keenay qorshe loosoo dhiibey wiilka uu sodogga u yahay oo la yiraahdo ‘heshiiska qarniga,’ kaasoo ay aad u diidan yihiin aadna uga qayliyeen dalalka Galbeedka, gaar ahaan kuwa Yurub, isla markaana ay aqbaleen dalal Carbeed.

מסיבת עיתונאים של ראש הממשלה בנימין נתניהו
ראש הממשלה בנימין נתניהו אומר כי אם ייבחר שוב לתפקידו, יפעל להחלת ריבונות ישראלית בבקעת הירדן ובצפון ים המלח
תחילת הליכי סיפוח רק לאחר הבחירות ובתיאום עם ממשל טראמפ
כפר המכביה
רמת גן
ר”ג
ביבי נתניהו
הצהרה דרמטית של בנימין נתניהו

Hadalsame Media