Galmudug oo dhisanaysa ciidamo maxalli ah oo ku cusub maamulkaasi + Sawirro

0

(Gelinsoor) 06 Luulyo 2020 – Maamulka Galmudug ayaa dhisaya ciidamo la qorsheynayo in ay noqdaan Daraawiishta Galmudug, kuwaasoo ah kuwo ku cusub maamulkaasi, waxaana tababar uga furmay xerada Ciidamada dhaan karoone ee ku taalla duleedka deegaanka Galinsoor ee gobalka Galguduud.

Tababarkaan oo socan doona sida uu sheegay wasiirka amniga Galmudug muddo dhowr bilood ah ayaa waxaa furitaankiisa la hadlay Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada tababarka looga furay xerada dhaan karoona ay qeyb ka yihiin Ciidamada loo carbinayo kuwa daraawiishta Galmudug, kuwaas oo qaarkood mudooyinkii u danbeeyay uu tababar uga socanayay xerada Indha qaris ee ku taala duleedka deegaanka Docol ee gobalka Mudug.

Maamul Goboleedka Galmudug ayaa wado dardar xoogan oo ay ku qarameyneyso maleeshiyaadka kala duwan oo ay horay u heysteen beelaha wada dago deegaanada Galmudug.

Hadalsame Media