Shiinaha oo laga helay kiisas lagu sheegay DAACUUNKII ugu darnaa ee aadanaha soo mara (Daawo)

0

(Bayannur) 06 Luulyo 2020 – Hay’aadka Shiinaha ee gobolka Inner Mongolia ayaa heegan sare la geliyey kaddib markii halkaa laga helay kiis lagu sheegay daacuunka bubonic plague, oo ah midkii sababay waxa loo yaqaan Dhimashadii Madoobayd (Black Death) oo cahdiyadii dhexe gaar ahaan qarnigii 14-aad Yurub ku diley dad u dhexeeya 50m-75m oo dad ah.

Waa tiro aad u fara badan marka la eego dadka guud ahaanba xilligaa caalamka ku noolaa oo aad uga yaraa kuwaa maanta.

Kiiskan ayaa laga helay magaalada Bayannur, oo ku taalla woqooyi galbeed Beijing, sida ay faafisay Xinhua. Waxaa lasoo saaray digniin heerka 3-aad ah, oo ah midka 2-aad hannaan digaalka oo afar heer ah, kaasoo shaqayn doonaa ilaa dhamaadka sanadkan 2020.

Cudurkan oo ay bakteeriya sababto, isla markaana ku faafa qaniinyada INJIRTA iyo xayawaannada cudurka qaba, waa daacuun laayaan ah midka ugu daran taariikhda dhigan ee insaanka.

Bubonic plague, oo ka mid ah 3-da nooc ee cudurkan isla markaana ay sababto bakteeriyada Yersinia pestis ayaa leh astaamo hargab oo kale ah, xanuun, dhidid, matag, qandho, qufac, qanjirro barar iwm.

Hadalsame Media