Maxaa lagaga hadlayaa kulanka maamullada ee Dhuusamareeb? (Door uu qaadanayo MW Galmudug)

0

(Dhuusamareeb) 06 Luulyo 2020 – Madaxda maamullada ayaa la sheegayaa in kaddib galaangal ay ku sameeyeen dhanka khadka ay ku heshiiyeen in kulan lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Madaxda Galmudug, Puntland, Jubbaland, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa lagu warramaya inay wada ogolaadeen inay kulankaa 8-da bishan ku yeeshaan magaalada Dhuusarameeb.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo haatan loo arko xidigga maamul-goboleedyada, ayaa ballan qaaday inuu marti-geliyo shirkaasi oo imanaya ciribta kulan kale oo uu horay ugu baaqay MW Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo fashilmay, kaddib markii ay diideen maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Shirkan ay maamulladu qabsanayaan ayaa sida la sheegayo lagaga niqaashi doonaa guud ahaan xaaladda uu haatan dalku marayo, sida arrimaha doorashooyinka 2020 illaa 2021, amniga iyo khilaafka dowladda dhexe kala dhexeeya qaar ka mid ah maamullada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland.

Waxaa dhici karta in la isku dayo in wax la isu jiid jiido, doorkaas oo uu qaadanayo Madaxwaynaha Galmudug.

Kulankan ayaa loo dheg taagayaa waxa kasoo bixi kara, iyadoo ay maamullada qaarkood ay kubad dhagax la ciyaarayaan dowlad kasta oo federaal ah oo timaada, waloow mararka qaarna la dhaliilo hoggaanka DF oo gaba doorkooda hoggaamineed si horay loogu socdo.

Hadalsame Media