27.8 C
Mogadishu
Wednesday, May 8, 2024
Home Arrimaha Caalamka DHEGEYSO: Somaliland oo caddaysay QORSHAHA ay ugu tala gashay qancinta Shiinaha (Su’aal...

DHEGEYSO: Somaliland oo caddaysay QORSHAHA ay ugu tala gashay qancinta Shiinaha (Su’aal ka taagan inuu soconayo)

0

(Hargaysa) 05 Luulyo 2020 – Wasiir Dibadeedka Somaliland, Md Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, ayaa waraysi uu siiyey VOA Somali uga sheekeeyey arrimo ay ka mid yihiin xiriirka iminka soo ban baxay ee ay Somaliland la yagleeshay Taiwan oo ah dal aan haysan aqoonsi caalami ah oo rasmi ah.

Wasiirka ayaa sheegay in ay Taiwan oo ah dal hormarsan ka macaashi karaan waxyaabo fara badan, iyaguna ay yihiin ”dal” leh khayraad fara badan oo aanay meel cidla ah ahayn, sida uu yiri.

Yeelkeede, waxaa la waydiiyey waxa ay ka yeelayaan Shiinaha oo ah dal wayn oo galaangal caalami ah leh inta badanna ay ka gabbadaan dalalka caalamku marka ay timaaddo arrinta Taiwan ayaa bixiyey jawaab khabar daar ah oo aan la fahmayn sida ay u dhici karto.

”Annagu Shiinaha wayn wax colaad iyo fogayn aynu u haynaa ma jirto, diyaar baannu iyadana ula nahay in aannu iyadana xiriir wanaagsan iyo iskaashi iyo mid ka qoto dheerba la yeelanno,” ayuu yiri Wasiirku.

”Balse wixii danahayaga ama xiriirka anna iyo Taiwan lid ku ah ka ogolaan mayno.” ayuu ballan qaaday.

Arrintan ayaa muujinaysa siyaasad aan bislayn oo daalaa dhacaysa, waayo marna suuragal ma aha oo Shiinuhu wuu sheegay inuusan xiriir la samaynayn cid kasta oo Taiwan ku tilmaanta dal madax bannaan.

Hadalsame Media

Yasin Haji Mohamoud Hiir