DAAWO: Nin Muslim ah oo sameeyey arrin naadir ah oo caalamka aad looga hadal hayo + Sawirro

0

(Oludeniz) 05 Luulyo 2020 – Nin Turki ah ayaa sameeyey arrin uu caalamku la yaabban yahay kaddib markii uu hawada galay isaga oo si deggan ugu fadhiya salooto, isla markaana TV iska daawanaya.

Hasan Kaval, oo ah 29 jir, kasoo jeeda gobolka Izmir, Turkey, ayaa guddoonsadey inuu aragtidan ”waallida ah” ka dhabeeyo.

Wuxuu kursi salooto ah oo maqaar ka samaysan ku xirey bir kulminaysa baarashuut, TV, nal, taayarro yar yar iyo caga saar.

Ninkan ayaa arrintan ka sameeyey magaalada Oludeniz oo ka tirsan degmada Fethiye ee gobolka Muğla Province ee Koonfur Galbeed Turkey, Luulyo 2.

Hadalsame Media