DAAWO: Turkiga oo sameeyey gantaal-badeedkii ugu horreeyey oo ah markab dile masaafo dheer duqayn kara + Sawirro

0

(Ankara) 04 Luulyo 2020 – Turkey ayaa farsameeyey gantaal badeedkii ugu horreeyey, kaasoo la yiraahdo ATMACA, wuxuuna ku guulaystey tijaabadii lagu sameeyey, isagoo ku biiraya hubka Ciidamada Badda Turkiga, sida uu sheegay Madaxa SSB, Ismail Demir.

“ATMACA wuxuu duqayn karaa masaafo dheer, wuxuu garaaci karaa bartilmaameed jira in ka badan 200 km,” ayuu Demir shalay kusoo qoray Twitter.

Gantaal badeedkan oo maraakiibta lagu xirayo ayaa masaafada dheer waxaa u wehlisa inay adag tahay in raadaarka lagu arko, isla markaana waa shiish macaan aan bartilmaameedkiisa seeraynin, wuxuuna qayb ka qaadan doonaa cududda badeed ee Turkiga ee sii kordheeysa.

Gantaalkan markab dilaha ah oo farsamadiisa la biilaabay 11 sanadood kahor 2009-kii, waxaana markii ugu horreeysey la tijaabiyey Nofeembar 2018-kii, iyadoo ay deeto soo saaristiisa ku heshiiyeen SSB iyo Roketsan isla 2018-kii.

ATMACA, oo ah nooca la hago ee casriga ah ayaa loo adeegsan karaa jawi kasta, wuxuuna garaaci karaa bartilmaameedyada neg iyo kuwa socda, taasoo ay ugu wacan tahay isaga oo leh qaab uu isaga caabbiyo tillaabooyinka lidka ku ah (countermeasures).

Waxaa farsamadiisa gacan ka gaysanaya sharikaad kale oo Turki ah, sida camaaliqada ASELSAN oo samaysay meesha laga ganayo, halka meesha laga xukumo ay samaysay sharikadda Daraasaadka Badaha ee ArMerKom.

Gantaalkan ayaa gaari kara ilaa 250 km, wuxuuna dul haadayaa biyaha isaga oo joog hoose ku duulaya, taasoo ka saacidaysa in aan la arag, isagoo bartilmaameedka ugu dhici kara joog iyo jiifba.

Sidoo kale, maadaama la hagayo, markii la doonoo waa la dallici karaa oo waxaa lagu wadi karaa joog sare, waxaa kale oo la bedeli karaa jihada uu ku wajahan yahay, haddii la doonana waa laga wareejin karaa gebi ahaanba, isagoo aan lagu samayn karin jaam garayn danabeed lagu jahawareerinayo.

Hadalsame Media