DF Somalia oo Masar ka diiddey ”hub” ay u ballan qaadday (Ciyaar la isku fahmey)

0

(Muqdisho) 05 Luulyo 2020 – Masar ayaa DF Somalia u bandhigtay inay siiso dayuurad sidda hub fudud, kaasoo loogu tala galay inuu Somalia soo gaaro bishii Maajo.

Yeelkeede, hubkan oo ka koobnaa 2 kun oo Aake (Kalashnikovs), qoryaha gantaallada tuura, kuwa wax lagu shiisho, bastoolado iyo hoobiyeyaal ayaan marna Somalia gaarin.

Waxaa joojisey DF Somalia, sida uu sarkaal sare u sheega The Sunday Telegraph, waxay Muqdisho sidaa u sameeysay iyada oo diiddan inay ku lug yeelato muranka u dhexeeya labadan dal ee Afrikaanka ah.

Masar oo sanado badan ahayd awoodda 1-aad ee ka macaashta biyaha Niilka ayaa diiddan inay ka faa’iidaystaan dalalka uu kasoo butaaco oo ku yaalla Bariga iyo Geeska Afrika, iyadoo ay Somalia dareensan tahay in ay Masar colaadda soo jireenka ah ee Somalia iyo Itoobiya u adeegsato gaarista daneheeda qaran, iyadoo isku mashquulinaysa labadan dal.

Hubkan ay Qaahira dhiibayso ayaan wax badan u taraynin Somalia, marka laga reebo inuu yahay shitaarid Addis Ababe ku aaddan oo daarran inay ”Masar Muqdisho kusoo hubayn karto, markii ay doonto”, taasoo aysan sidoo kale Muqdisho dani ugu jirin.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments