Damaca PUNTLAND miyuu horseeday inay Muqdisho 13 kursi ka hesho Aqalka Sare?

0

(Hadalsame) 05 Luulyo 2020 – Inta aynaan ka warcelin weydiintan, bal aan dib u eegno taariikhda, oo aan dib idiin xusuusiyo doorkii Puntland ee dhisidda Dawlad Federaal ah ee Soomaaliyeed. Waxaa xusid mudan in Puntland ay keentay aragtida in Soomaaliya laga dhigo ama laga dhiso Dawlad Federaal ah oo laga guuro nidaamkii Dawladdii Dhexe ee ay Soomaaliya hore u soo martay.

Marka aan shirkii Kenya ka dhacay dib u eegno waxaa kuu soo baxaysa in Puntland ahayd awood muuqatey oo shirkaa hoggaan u ahayd, kuna guulaysatay in ay Soomaalida kale ka dhaadhiciso ka na iibiso aragtidii ay xambaarsanayd ee ahayd in dalku Federaal noqdo shuruud la’aan iyada oo aan weliba si bisil looga wada hadlin.

Xilligaa Puntland waxaa madaxweyne ka ahaa Eebbe ha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo markii dambe isku beddelay oo loo doortay Madaxweynihii ugu horreeyey ee hoggaanka u qabta Dawlad Federaal ah oo markii ugu horreysay laga yagleelo Soomaaliya. Arrintaasi waxay muujisay ujeedadii loo asaasay Puntland oo ahayd in lagu gaaro qaran Soomaaliyeed oo loo dhan yahay oo Federaal ah.

Dawladdii Cabdullaahi Yuusuf, Puntland waxay ku taageertay dhaqaale, ciidan, hub iyo maskaxba si ay u hirgeliso nidaamka Federaalka ah, waana sababta reer Puntland ay u jecel yihiin in loogu yeero maamul goboleedkooda “ Hooyaddii Federaalka” oo marka la eego tillaabooyinka ay qaadday u qalanta in lagu magacaabo sidaa.

Marka si fiican loo derso ujeedadii Puntland ka lahayd nidaamka Federaalka ah, wuxuu ahaa mid aan dad badan u muuqan xilligaa. Puntland waxay u arkaysey in nidaam Federaal ah ay ugu badinayso dadka ku abtirsada deegaanada Puntland, Jubbaland, qaybo ka mid ah Galgaduud iyo Bakool Sare. Puntland waxa aanay marnaba ku tashan suurragalnimada in laba gobol oo la isku daray ay noqon koraan Dawlad Goboleed, caasimadda Muqdishana ay maqaam gooni ah iyo metelaad siyaasadeed yeelan karto.

Maanta waxay Puntland indhaha ku haysaa Banaadir oo metelaad yeelatay, laba gobol oo midoobay oo noqday Maamul Goboleed, Mudug oo laba qaybood  laga dhigay iyo Sool iyo Sanaag oo lagu tilmaamay Gobollada lagu muransan yahay ilaa ay soo gaadhay in Puntland ku baaqdo in metelaad siyaasadeed oo la mid ah tan Banaadir ay helaan Gobollada  Sool iyo Sanaag. Ogow, Sool iyo Sanaag waxaa gabi ahaanba gacanta ku hayn jiray maamulka Puntland wixi ka horeeyey 2007ki marki laga reebo qaybo ka mid ah Sanaag.

Haddaba, nidaamka Federaalka ahi, wuxuu dhigayaa in deegaan kasti metelaad ku yeesho Dawladda Dhexe ee Federaalka ah. Marka laga soo tago Aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo lagu qaybsaday nidaamka 4.5, waxaa aqalka sare loo sameeyey in uu metelo Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dawladda Federaalka, waxaana aqalka sare la aasaasay dhammaadkii sanadkii 2016kii iyada oo ay si wada jir ah ugu heshiiyeen Madashii Wada Tashiga Qaran ee ka koobnayd madaxda Dawladda Federaalka ah iyo Maamul Goboleedyada.

Waxa ay ku heshiiyeen in xubnaha Aqalka Sare lagu saleeyo 18kii Gobol ee Soomaaliya ka koobnayd, Gobol kastana uu helo saddex xubnood, taas oo tirada guud ka dhigaysa 54 xubnood.

Haddaba sidaa si ka duwan ayeey Madashii Wada Tashiga Qaran oo ay hormuud u tahay Puntland ay wax u qaybisay. Soomaliland iyo Puntland waxaa la siiyey midkiiba 11 xubnood, halka afartii Maamul Goboleed ee kale la isku siiyey 32 xubnood, oo midkiiba uu qaatay 8 xubnood, iyada oo meesha laga saaray Gobolka Banaadir oo ahayd inuu metelaad ka helo Aqalka Sare.

Haddii sidii hore wax lagu sallayn lahaa, Aqalka Sare Banaadir waxay ku yeelan lahayd 3 xubnood, balse damaca Puntland ayaa keenay in la iska indho tiro xuquuqda Banaadir, ugu dambayna ay maanta horseedo in Banaadir hesho metelaad u dhiganta tan Maamul Goboleedyada ama ka badan, waayo hadda Banaadir Gobol ma aha oo keliya ee waxa ay yeelatay miisaan u dhigma Maamul Goboleed oo aan yagleelidiisa dhabta ahina sii fogayn.

Waxaa xusid mudan in Puntland ansixinta ka hor ay iska dhigi jirtay mid u doodaysa oo xuquuq siyaasadeed u raadinaysa Gobolka Banaadir, taas oo maanta beenowday, iyada oo Puntland hore ugu khudbeyn jirtay qoraal ahaanna u dhigi jirtay in Banaadir matalaad iyo maqam hesho taas oo malaha ka ahayd; “qowda maqashii waxna ha u qaban”, illeyn lama oran karo waxay qoonsatay kala haridda matalaadda iyo maqaamka Banaadir oo kii soo horeeyaba hormuud u yahay kan kale.

Xilligan la joogo, waxay Puntland ku doodaysaa in habka loo maray metelaad siinta Banaadir ay baal marsan tahay sharciga oo aanay dastuurka waafaqsanayn, iyada oo Muqdisho u muujinaysa magaalo beelo gaar ahi leeyihiin kuna eedaysay xildhibaannada ka soo jeeda Hirshabeele iyo Galmudug in ay dabada ka riixayaan metelaaddaa aqalka sarre ee Banaadir.

Damaca reer Puntland waxaa ka dhashay dilkii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Damaca reer Puntland wuxuu burburiyey Dawladdii Dhexe. Damaca reer Puntland wuxuu horseeday nidaamka 4.5. Damaca Puntland waxaa ka dhashay Federaal, Puntland lafteeda waxaa loo aasaasay damac siyaasadeed iyada oo laga dhigtay jaranjaro lagu gaaro hoggaanka  sarre ee Soomaaliya.

Damaca iyo sedbursiga Puntland ayaa sabab u noqday khilaafka dheeraaday ee muddooyinkii kala duwanaa soo dhex marayay Dawladihii kala dambeeyey burburka ka dib, ka bilow Dawladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan ilaa laga soo gaaro xukuumaddan uu hoggaamiyaha ka yahay madaxweyne Farmaajo, marka laga reebo muddadii uu xilka hayey madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed Eebbe ha u naxariistee.

Haddaba Damac Puntland ma horseedi doonaa burburka Dawladda Federaalka ah?

Nasrudin Mohamed Ahmed – Waxaad kala xiriiri kartaa [email protected]

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa qofka ku saxiixan

Hadalsame Media

Facebook Comments