Imaaraadka oo Sucuudiga ka tillaabsaday isagoo Iiraan u janjeersaday (Khilaaf kala dhexeeya Sucuudiga & go’doon uu ka galay dunida Muslimka)

0

(Tehraan) 04 Luulyo 2020 – Khubaro Iiraani ah ayaa sheegay in Imaaraadka Carabtu uu ka shaqaynayo inuu xiriir wanaagsan la samaysto dalka Iiraan, isagoo sidoo kale doonaya inuu dib u eego xiriirka Israel.

Kaddib markii dab la qabadsiiyey Safaaradda Sucuudiga ee Tehraan iyo Qunsuliyadda ay ku leeyihiin Mashhad sanaddii 2016-kii, ayay Abuu Dabeey go’aansatay inuu hoos u dhigto heerka diblomaasiyadeed ee Iiraan.

Yeelkeede, waxaan hadda isku yara fiicnayn Riyaad iyo Abuu Dabeey, taasoo keentay inay Imaaraadku dib ugu laabtaan Tehraan, kaasoo sii xumaaday markii uu bilowday dagaalka Yaman, isla markaana ay ku murmeen jasaa’ir ku yaalla Gacanka Beershiya.

Ha yeeshee, kaddib dillaacii coronavirus, waxay Imaaraadku Tehraan u direen dayuurado ay dawo ka buuxdo, iyadoo ay telefoonka ku wada hadleen Wasiir Dibadeedka Iiraan ee Mohammad Javad Zarif iyo dhiggiisa Imaaraadka ee Abdullah Bin Zayed.

Bishii Luulyo ee 2019, Tehraan ayaa marto gelisey kulan wada jir ahaa oo ay yeesheen Ilaalada xeebaha labada dal, kaasoo qabsoomay markii ugu horreeysey muddo 6 sanadood ah.

Waxay kaloo labada dhinac ka heshiiyeen dadka u kala socda labada dal, iskaashi dhanka xadka ah iyo inay is dhaafsadaan xogaha sirdoonka.

Dhowaantan, Agaasimaha Madaxtooyada Iiraan, Mahmoud Vaezi, ayaa sheegay inuu isa sii bedelayo moowqifka Imaaraadka ee dalka Iiraan.

Isaga oo la hadlayey Anadolu Agency, Hassan Hani Zadeh, oo ah khabiir Iiraani ah oo ku talax tegey umuuraha Bariga Dhexe, ayaa wuxuu sheegay in go’doominta afarta sano mareeysa ee Qadar, iyo siyaasadda qar iska tuurka ah ee ay Imaaraadku ka wadeen Yaman, Libya, Suuriya, Ciraaq iyo Libnaan ay go’doomisey Abuu Dabeey.

Wuxuu kaloo sheegay inay haatan arrinta Yaman aad iskugu khilaafsan yihiin Imaaraadka iyo Sucuudiga oo ahaa dal ay inta badan raacsanayd siyaasad dibadeedka Imaaraadku, isagoo iftiimiyey inay marar badan is khilaafeen wiilasha Mohammed Bin Salman (MBS) iyo dhiggiisa Imaaraadka  Mohammed Bin Zayed (MBZ), marka la eego Yaman.

Zadeh ayaase sheegay inay Abuu Dabeey doonayso inay dib u dhisto sumcadeeda sii dhimanaysa ee dunida Muslimka oo ay doonayso inay qaadato siyaasad dibadeed madax bannaan oo aan dal kale ku dhisnayn, balse wuxuu misna sheegay inaysan is qaadanaynin taas iyo qorshaha cusub ee ku saabsan in ay xiriir wanaagsan la yeelato Israel oo ku goodinaysa inay qaadanayso Daanta Galbeed ee Falastiin.

Zadeh ayaa sidoo kale dhaleeceeyey moowqifka Imaaraadka ee ka dhanka Turkiga, isagoo sheegay inaysan dani ugu jirin umadda Muslimiinta. “Abuu Dabeey waa inay la heshiisaa Turkiga, isla markaana ay wax badan saxdaa haddii ay doonayso inay xiriir adag la yeelato Tehraan.” ayuu yiri.

Si kastaba, Sucuudiga ayaan ku farxi doonin tillaabadan uu Imaaraadku qaadayo, balse Imaaraadka ayaa u muuqda mid dareemaya inaan dunida Muslimku ku qanacsanayn siyaasaddiisa qar iska tuurka ah.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media