Turkiga & Qadar oo isla wada qorshe kasii caraysiinaya Sucuudiga & Imaaraadka (Kulan culus oo dhacay)

0

(Dooxa) 04 Luulyo 2020 – Wasiir Dibadeedka Qadar ee Mohamed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa amaanay xiriirka istaraatijiga ah ee ka dhexeeya dalkiisa iyo Turkiga.

“Xiriirka istaraatijiga ah ee ka dhexeeya dalkiisa iyo Turkigu wuu korayaa maalinba tan xigta, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, ganacsiga, tamarta iyo difaaca, si loo eego danaha labada dal,” ayuu yiri bin Abdulrahman.

Waxaa Khamiistii halkaa booqday MW Turkiga ee Recep Tayyip Erdoğan, isagoo wada hadal la qaatay Amiir Tamim bin Hamad Al-Thani.

Erdoğan ayaa waxaa la socdey Wasiiirka Kaydka iyo Maaliyadda Berat Albayrak iyo Gaashaandhigga Hulusi Akar, iyo Agaasimaha Isgaarsiinta Fahrettin Altun, afhayeenka Madaxwaynaha Ibrahim Kalın iyo Madaxa Sirdoonka Qaranka Hakan Fidan, taasoo muujinaysa nooca ay yihiin waxa laga wada hadlayey.

Sida ay sheegtay Kaaliyaha Wasiir Dibadeedka Qaar, Lolwah al-Khater, waxaa waxyaabaha lagala hadlay ka mid ahaa sidii loosii xoojin lahaa taageerada Dowladda Libya ee GNA oo ay labada dalba taageeraan, halka ay dalalka go’doomiyey la jiraan LNA iyo arrimo kale oo istaraatiji ah.

Arrintan ayaa farriin cad u diraysa dalalka Khaliijka ee Qadar go’doomiyey oo soo jeediyey inay wax kasta furayaan haddii ay Qadar ka xarig furato Turkiga, balse Qadar ayaa sheegtay inay dareensan tahay inay iminka kaba muhiimsan tahay sidii uu maqaamkeedu ahaa go’doominta kahor.

Hadalsame Media