DHEGEYSO: Wasiir xilkii laga qaaday kaddib markii la helay COD sir ah oo uu ku xamanayo Madaxwaynaha….

0

(Baydhabo) 04 Luulyo 2020 – Wasiirkii Warfaafinta Maamulka KGS, Md Ugaas Xasan Cabdi ayaa xilkii laga xayuubiyey kaddib markii la helay COD SIR ah oo uu ku xamanayo Madaxweynaha KG, Md Cabdicasiis “Lafta-gareen”.

Wasiirka ayaa gaar ahaan qof ku waraysanaya baraha bulshada ku celcelinaya in uu ”Lafta-gareen” doonayo inuu ”been kusoo xera geliyo” Xildhibaannada Baarlamaan Goboleedka KG, kaddibna marka ay muddada u kordhiyaan uu doonayo inuu cayriyo.

Si kastaba, wareegto kasoo baxday Xafiiska madaxweyne Lafta-gareen ayaa Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed loogu Magacaabay Ilyaas Saciid Cali, isagoo bedelaya Ugaas Xasan.

Sidoo kale Wareegtada ayaa waxaa lagu Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Batrooka Koonfur Galbeed oo laga dhigay Suleeyman Shubeyb Cali, wuxuuna bedelayaa Wasiirkii hore ee Wasaaraddaas.

Hadalsame Media