Hodan Cabdiraxmaan oo iska fogaysey aflagaaddo loo gaystey gabdhaha Muqdisho & qofka ka dambeeya oo ay magacowday

0

(Hadalsame) 04 Luulyo 2020 – Fanaanadda Hodan Cabdiraxmaan ayaa markale beenisey inay iyadu leedahay, maamusho, ama wax ku darsato Fan Page magaceeda ku samaysan oo dadka lagu caayo.

Boggan ayaa maalin dhowayd soo qoray aflagaaddo ka dhan gabadha Muqdisho oo uu sheegay ”inay ku dayacan yihiin” baraha bulshada, isagoo tixraacaya gabar kale oo muuqaallo aan fiicnayn laga faafiyey.

Yeelkeede, waxaa arrintaa oo ay dhowr mar horay uga hadashay markale beenisey Hodan Cabdiraxmaan oo boggeeda Facebook:

”Fadlan iga gaadhsiiyaa shacabka Soomaaliyeed iyo gabdhaha Soomaaliyeed inaanan lahayn Fan Page, Faceboog-gaas ku yar oo la yidhaah Kabaria Diano ayaa leh oo dumarka ka liita kaasi Walaahibaanu nin ahayn maxaa yeelay gabdho Soomaaliyeed muu caayeeen markaa gaadhsiiya fadlan inta yar ee aan ogayn mahadsanidiin.”

CUDUR DAAR: Gabdhuhu ragga kama liitaan, taa biddaalkeeda waxaa jira dumar badan oo ragga ka wanaagsan, ka xikmad badan, ka karti iyo aqoon badan, wanaagguna jinsi X ama Y kuma xirna.

Hadalsame Media