Imaaraadka oo heshiis rasmi ah la galay laba sharikadood oo Israeli ah (Daraasad ay ku samaynayaan ”caqliga macmalka” ah)

0

(Abuu Dabeey) 04 Luulyo 2020 – Labada sharikadood oo Israeli ah oo dhanka difaaca ah ayaa heshiis la galay Imaaraadka Carabta, iyagoo sheegay inay ka caawinayaan arrimaha farsamaynta caqliga macmalka ah (AI), wax loo arkay la bareeridda xiriir sii kordhaya oo labada dhan u dhexeeya.

Hay’adda Rafael Advanced Defense Systems iyo Israel Aerospace Industries (IAI) ayaa la sheegay inay sharikadda Group 42 (G42) ka caawinayaan daraasadaynta iyo hormarinta agab iyo xal lagula tacaalayo coronavirus.

Maamulka 3-dan sharikadood ayaa shir ku yeeshay dhanka khadka, iyagoo heshiis kala saxiixday 2-dii Luulyo, sida ay faafisay Wakaaladda Wararka Imaaraadka ee WAM.

Peng Xiao, Agaasimaha Guud ee G42, ayaa yiri: “Sharikadeenna waa u sharaf inay xogo la wadaagto Rafael iyo IAI oo ay u midoobayaan qaddiyad muhim ah.”

G42 ayaa la sheegay inay haatan ku howllan tahay samaynta tallaal Covid-19 ah, iyadoo ay maamulayso Wasaaradda Caafimaadka Imaaraadku.

Arrintan ayaa lagu sheegay mid ay sharikaadka Yuhuuddu maalgelin badan oo ay u baahan yihiin ay uga helayaan Imaaraadka oo lacag badan haya, balse aan lahayn raasumaal dad.

Hadalsame Media