Maamulka Gobolka Soomaalida oo go’aan midaysan ka qaadanaya xaaladda Itoobiya + Sawirro

0

(Jigjiga) 04 Luulyo 2020 – Madaxweynaha Gobolka Soomaalida ay Itoobiya maamusho, Mustafa Maxamed Cumar, ayaa kulan gaar ah iskugu yeeray qaar ka mid ah oday dhaqameedka gobolka.

Kulankan ayaa la sheegay in lagu soo qaaday sidii lagaga tashan lahaa xasaradda cusub ee kasoo cusboonaatay Itoobiya iyo sidii ay Soomaalidu qoomwiyad ahaan si midaysan moowqif uga qaadan lahayd.

Waxaa ay wararku nagu soo gaarayaan in kaddib markii in muddo ah wax la isla jeex jeexay lagu toowfiiqay in horta ay wada hadalladani sii socdaan, sidoo kalena moowqif mideysan laga qaato isbeddel kasta oo ka yimaada dalkaasi, iyada oo wax kasta lagu salaynayo danta umadda Soomaaliyeed.

Dalka Itoobiya ayaa galay xaalad aan hubaal lahayn kaddib dhimashadii fannaankii Oromada ee Hachaaluu Hundesaa, iyadoo la sheegay inay  xitaa Addis dhex wareegayeen malliishiyaad hubaysan, balse DF ayaa arrinta gacan adag ku qabatay, waxaana iminka caadi kusoo noqonaysa xaaladda.

Hadalsame Media