DEG DEG: DF Somalia oo dib u celisey dayuurad ay Kenya leedahay oo u socotey Hargaysa

0

(Muqdisho) 04 Luulyo 2020 – Warar aannu heleeyno ayaa sheegaya in DF Somalia ay dib uga celisey hawada Somalia dayuurad ay leedahay Kenya oo Jaad ku shixnadan.

Dayuuraddan ayaa la sheegay inay siddey Jaadka Miirooga ah oo ku wajahnaa magaalada Hargaysa.

Waxaa uu warku intaa raacinayaa inay diyaaradda oo u rarnayd ganacsato Jaadleey ah oo reer Hargaysa ah ay qaadatay amarka Hay’adda Duuliska Rayidka Somalia ee SCAA, ayna dib ugu noqotay Garoonka Diyaaradaha Wajeer, iyadoo ku eedaysan inay kusoo xad gudubtey hawada Somalia.

Dalka Somalia ayuu ka xiran yahay duullimaad kasta oo caalami ah, marka laga reebo dayuuradaha qaar sida dad Soomaaliyeed oo kasoo noqonaya dalalka uu karoonuhu ku xayiray, waxaa sidoo kale xayiran Jaadka ka yimaada Itoobiya, marka laga reebo qaar dhulka soo mara.

Kenya ayaa la sheegay inay maalin hore dayuurad ay leedahay ay Jaad gaysay magaalada Baraawe, balse warkaasi isma soo tarin.

Hadalsame Media