Dawada Cudurka karoonaha oo ka timid meel aan laga filanayn & tijaabooyin la sameeyey + Sawirro

0

(Brussels) 04 Luulyo 2020 – Culumada Sayniska caalamka ayaa wada raadinaysa wax kaalmaati u noqon kara cudurka caabuqa sida ee Covid-19, balse meel aan laga filaynin ayay dawadii ka timid, waana dhanka boqortooyada xayawaanka, gaar ahaan Llama oo geela lagu soo sooco inta badanna laga helo Laatiin Ameerika.

Llama 4-jir ah oo dheddig oo lagu magacaabo Winter, ayaa kaddib markii lagu duray noocyo ka mid ah fayrusyada SARS iyo MERS, waxaa dhiiggii laga qaaday ku caddaatay inay lasoo baxday lid-jireed fasaqaya awoodda fayruska.

Waxaa markale lagu duray barotiinno ku jira coronavirus-ka, waxayna sidoo kale la baxday lid-jireed, taasoo keentay in uusan waxba u dhibin fayrusku.

Daraasaddan oo ay fuliyeen culumo saynis oo ka tirsan Xarunta Dawada & Tiknolojiyadda Noolaha ee VIB-UGent oo Belgium ah iyo Jaamacadda University of Texas oo ku taalla Austin, ayaa Talaadadii lagu daabacay Joornaalka Cell.

Culimadan ayaa iminka lid-jireed ay Llama-dan kasoo qaadeen gun-dhig uga dhigaya helitaanka qaab lagula tacaali karo cudurkan, iyagoo samaynaya tijaabooyin dheeraad ah, waxaana ilaa iminka la ogaadey in lid-jireedkani uu awood u leeyahay inuu cudurkan ka gaashaamo noolaha uu kusoo duulo fayrusku, isla markaana fasaqo.

Professor Xavier Saelens oo ka tirsan VIB oo ku taalla Ghent ayaa u sheegay wakaaladda Agence France-Presse (AFP) in haddii ay dawadani shaqayso aanay noqon doonin markii ugu horreeysey ee ay Llama-du insaanka dawo ugu yaboohdo, maadaama sidoo kale dhecaannadeeda laga dawo lagula tacaalo dhiigga oo ay cilladi gasho waana dawada caplacizumab, ee loo isticmaalo jirrada dhiigga ku dhacda ee thrombotic thrombocytopenic purpura.

Hadalsame Media