DHEGEYSO: Dad badan oo uu karoonuhu Sweden ku xayiray oo duruufta looga faa’iidaysto!

0

(Stockholm) 03 Luulyo 2020 – Dadka shisheeyaha ah ee xilliyada karoonaha Sweden ku go’doomay, balse ka shaqaynayey mihnadaha adeegga iyo dhismaha ayaa la sheegay inay u badan yihiin looga faa’iidaysanayo xaaladda adag ee ay ku jiraan iyadoo lagu khasbayo adeegyo kala duwan iyo in ay jirkooda iibiyaan, sida uu sheegay Booliisku.

Jana De Geer, oo ah madax kooxeed ka tirsan qaybta la dagaallanka tahriibinta dadka ee Booliiska Stockholm ayaa ka hadlaysa.

Xuduudaha xiran, karaantiilka iyo duullimaadyada la kansalay ayaa dad badan ka hor istaagey inay dalalkoodii aadaan. Sida ay qabto Jana De Geer, waa joogto in dadka la tahriibiyo looga faa’iidaysto adeegyo laamo kala geddisan leh.

Marka ay timaado arrintan ka faa’iidaysiga duruufaha insaanka iyo falalka dhiig miiradka ah, dadka oo dhan ayay mas’uuliyadi ka saaran tahay inay ka hor tagaan, sida ay soo jeedinayso Jana De Geer.

Hadalsame Media