”Ma geli karno diblomaasiyad sharci darro ah!” – Somaliland oo weji gabax kala kulantay dal Afrikaan ah oo ay aqoonsi u raadsatey

0

(Banjul) 02 Luulyo 2020 – Qaar ka mid ah xildhibaannada Baarlamanka Gambia ayaa bilaabay qalqaalo ay ku riixayaan in la aqoonsado Somalialnd, balse waxaa arrintaa ka jawaabey Wasiir Dibadeedka Gambia, Momodou Tangara, sida ku qoran Freedom.

Xildhibaannadan oo u badan xisbiga United Democratic Party (UDP), ayaa Wasiirka waydiistey, inay bal Gambia horseed ka noqon karto in Somaliland loo aqoonsado dal ka madax bannaan Somalia.

Yeelkeede, Wasiir Tangara ayaa Xildhibaannada u sheegay inay qayrul mas’uulnimo ku tahay Gambia inay gacan ka gaysato wax uu ku sheegay ”diblomaasiyad sharci darro ah”.

Wuu sii hadlay oo wuxuu ku adkaystay in Somalia ay tahay dal la aqoonsan yahay oo ay maamusho DF Somalia, sida ku cad jaatarrada Midowga Afrika iyo QM.

Tangara ayaa la sheegay inuu Xildhibaannada ka shiiwiyey inay sideedaba faraha la galaan arrin noocan ah ama u ololeeyaan, isagoo ku boorriyey inay ka fogaadaan iibinta ajende kasta oo sidan oo kale ah.

”Dowladda ay Gambia aqoonsan tahay waa midda Federaalka ee Somalia, waxaana idinku boorrinayaa inaad ka fiirsataan dadka aad la hadlaysaan iyo ajendaha aad baarlamanka gaynaysaan,” ayuu Wasiirku u sheegay Xildhibaannada.

Sedia Jatta, oo ka socda Wuli West, iyo Suwaibou Touray, oo ka tirsan Wuli East ayaa Wasiir Tangara waydiiyey inay jirto cid aqoonsatay Somaliland, wuxuuna u sheegay in DF ay tahay hay’adda qura ee loo yaqaanno inay Somalia oo idil ka arrimiso.

Xildhibaannada qaar ayaa Wasiirka xusuusiyey in Yahye Jammeh oo ahaa kali taliskii xilka laga eryey uu taageeri jirey in la aqoonsado Taiwan, sidaa darteed, aanay waxba ku jirin haddii ay Dowladda Barrow ay istaraatijiyad taa la mid ah ku wajahdo Somaliland.

Ha yeeshee, wuxuu Tangara u sheegay in arrinta Taiwan ay eedday Gambia, isagoo ka digey inay taas oo kale soo celiyaan, taasoo keenaysa buu yiri inaannu caalamka ka go’doonno. Wasiir Tangara Xildhibaannadii umuurtay riixayey ee Gambian-ka ahaa u jiheeyey dhanka BBC-da.

“Qaarkiin Faransiiska yaqaan waxaad booqan kartaan BBC laanta Faransiiska oo aad ka baran kartaan umuuraha Soomaalida. Waxaa sidoo kale jira bogga Ingiriiska ee BBC oo la heli karo,” ayuu yiri.

Tangara ayaa ugu dambayn sheegay inay jiraan dhinacyo gaar ah oo u xil saaran la xaalidda arrimaha Soomaalida, isagoo sheegay inaysan Gambia ka bixin karin inay faraha la gasho arrimaha Somaliland.

Gambia waa dal yar oo sidii gacan ugu dhex daysan dalka Senegal, isagoo hareera socda webiga Gambia, wax saamayn ah oo sidaa u buuranna kuma laha masraxyada siyaasadeed ee qaaradda iyo caalamka toona.

Hadalsame Media