Ma ogtahay in mas’alada TAIWAN ay tahay mowduuc KULUL oo lama taabtaan ah? (Akhri sababta)

0

(Hadalsame) 02 Luulyo 2020 – Magaalada Taipei ee xarunta dalka Taiwan, Somaliland iyo Taiwan ayaa halkaa ku kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan xiriir cusub oo u bilaabmay labada dhinac oo iskaga mid ah aanu midkoodna ku naalloon aqoonsi caalami ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir oo halkaa booqday ayaa Taiwan kula kulmay madax dhigiisa ah oo ay heshiisyo wada galeen. Waxaa isla shalay arrintaa lahjadda ugu adag ku cambaaraysay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho.

Haddaba, qoraaga Ibraahim Hawd-yuusuf, ayaa bal eegaya sababta uu kiiska Taiwan u yahay ku lama taabtaan ah oo ay ka wareegaalaystaan dalalka ugu xoogga badan caalamka, wuxuuna qoraalkiisa ku bilaabay:

Taywaan ma aha dawlad, mana jirto dunida dawlad weyn oo aqoonsani. Keliya waa qolo Shiinaha ka mid ah, magacooda rasmiga ahina waa “Jamhuuriyadda Shiinaha”, dunidana waxaa ku matala dalweynaha Shiinaha.

Cid wal oo aqoonsan lahayd oo Maraykanku u gu horreeyaa wax ay ka baqaysaa in dalka Shiinaha xidhiidhkoodu xumaado iyo in ay danaheeda ku waydo.

Waayo Shiinuhu waa quwad ay cid waliba u baahan tahay oo xodxodato oo kasbato. Dalalka tirada yar ee Taywaan aqoonsani ma aha kuwo macno leh, wax ay se u badan yihiin jasiirado yaryar oo dawlado kale ku xidhan.

Qar is ka tuurnimada daalaadhaca ah ee ay kooxda xilka haysaa ku kacday reer Soomaalilaand wax aad iyo aad u badan bay ku waayi doonaan.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media