XOG: Beesha Caalamka oo Deni & Axmed ku cadaadinaysa inay tagaan shirka Xamar (Laba dal oo iyaga taageersan)

0

(Muqdisho) 02 Luulyo 2020 – Dalalka loogu yeero kuwa ”Somalia daneeya” ayaa cadaadis aad u daran saaraya Madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland, kuwaasoo loo sheegay inay ka qayb galaan kulanka uu ku baaqay Madaxwaynaha Somalia ee lagu wado inuu ku qabsoomo caasimadda dalka ee Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in MW Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo si kala gooni gooni ah telefoonno loogula xiriirey ay wakiillada beesha caalamka oo uu Maraykanku ugu horreeyo ay ku cadaadinayaan inay tagaan shirka Muqdisho, si heshiis looga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Waxaa la fahamsan yahay in Puntland oo inta badan ka hor timaadda qorshayaasha DF & Axmed Madoobe oo la olog ihi ay saluugeen moodalka doorasho ee ay soo bandhigeen Guddiga Doorashada Madaxa Bannaan, iyadoo soo jeediyey in lagu laabto ama lagaba laabto qoddobo uu meel mariyey Baarlamanka dhexe oo ah hay’ad madax bannaan oo ka sarreeysa maamullada.

Wakiillada Beesha Caalamka, ayaa lagu warramayaa inay madaxda maamulladan ku canaanteen inay iyagu ahaayeen kuwii soo jeedinayey in laga wada hadlo doorashada 2021 oo maamullada la iskugu yeero iyo in aysan DF raalli iyo daacad ka ahayn in arrintaa laga wada xaajoodo.

Waxaa la sheegayaa in labada maalmood ee soo aaddan ay caddaan doonto waxa uu yahay moowqifka qayaxan ee ku aaddan inay labadan nin ka qayb gelayaan kulankaasi iyo in kale, iyadoo la sheegay inay jiraan dalal ay ka mid yihiin Imaaraadka iyo Kenya oo dantooda u arka inaysan madaxdaasi ka qayb gelin shirkaasi, si loo ragaadiyo geeddi socodka dowlad dhisidda Somalia.

Beesha Caalamka ayaa doonaysa in lagu heshiiyo doorashada horraanta bishan Luulyo, iyadoo nasiib darro, ay ahayd in arrintani ay noqoto mid u taalla DF, balse 14 sano oo ay DF Muqdisho fadhiso weli waxaa arrintaa kula dheggan maamullada qaar.

Hadalsame Media