Somaliland oo ku dhaqaaqday arrin ka caraysiin karta Shiinaha & Maraykanka + Sawirro

0

(Taipei) 01 Luulyo 2020 – Wararka ka imanaya magaalada Taipei ee xarunta dalka Taiwan, Somaliland iyo Taiwan ayaa halkaa ku kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan xiriir cusub oo u bilaabmay labada dhinac oo iskaga mid ah aanu midkoodna ku naalloon aqoonsi caalami ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir oo halkaa booqday ayaa Taiwan kula kulmay madax dhigiisa ah oo ay heshiisyo wada galeen.

Taiwan ayaa sheegtay in ay xafiis ka furan doonto Somaliland oo ay ku sheegtay in uu yahay ”dal madax-bannaan” oo ku yaalla Geeska Afrika.

Wasaarad Dibadeedka Taiwan ayaa qoraal ay iyaduna faafisay ku sheegtay in Somaliland ay tahay dal ay aad u kala fog yihiin, balse ay wadaagaan wax ay ku sheegtay ”jacayl ay u qabaan xorriyadda iyo dumiqraadiyadda ah.”

MAXAY KEENI KARTAA? Arrinta Taiwan ayaa noqonaysa xaalad laba laako ah, waayo marka hore waa dal aan la aqoonsanayn, sidaa darteed, wax badan kuma kordhin karo u qarreemidaa qaddiyadda Somaliland oo ah mid u taalla Somalia iyo Midowga Afrika ugu fogaan.

Dhanka kale, Taiwan waxay ku sidkan tahay oo meeshaa ku ilaaliya Maraykanka oo aan weli muujinin wax damac ah oo uu ka leeyahay in Somalia oo uu dano badan ka doonayo lakala jaro, taasoo caqabad ku noqonaysa tillaabo kasta oo ay kaligeed qaadi lahayd Taiwan oo aan lafteedu doonayn in loo arko dal fongoran kuna dhaqanta siyaasad deggan oo liberaal ah. Waxaana arrintani ka caraysiin doontaa DF Somalia oo galaangal samayn doonta, maadaama ay Taiwan ”da’ madax bannaan” ku sheegtay Somaliland.

Waxaa intaa dheer, Beijing oo Taiwan u aragta qayb ka tirsan dalkeeda, isla markaana abaal wayn u haysa Somalia oo ka mid ahayd dalalkii Shiinaha wayn ku taageeray inay iyagu qaataan kursiga QM oo ay horay ugu fadhiyi jirtey Taiwan oo sheegan jirtey inay iyadu Shiinaha oo dhan ka mas’uul tahay.

Hadalsame Media