Imaaraadka oo dalab lagu ”qoslo” usoo bandhigay DF Somalia (Maxay ku jawaabtey?)

0

(Muqdisho) 01 Luulyo 2020 – Somalia ayaa diidey dalab “lagu qoslo” oo uu Imaaraadku usoo bandhigay DF Somalia, kaasoo ah in ay kusoo biiraan dagaalka fashilmay ee Yaman, iyagoo taa biddaalkeeda soo bandhigay dalab cajiib ah.

Sida ku qoran bogga Akhbaaru Soomaa, Imaaraadka ayaa ballan qaaday inuu dib u furayo Isbitaalka Sheikh Zayed ee Muqdisho, isagoo taa ku shuruudeeyey inay Somalia ka qayb qaadato dagaalka Yaman, isla markaana ay sheegato jasaa’irka iminka ka tirsan Yaman ee Socotra.

Isbitaalka Sheikh Zayed ayaa waxaa uu bixin jirey adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah, balse waxaa la xirey 2018-kii, markaas oo ay DF Somalia qabatay lacag malaayiin ah oo ay Imaaraadku kasoo dejiyeen Garoonka Aadan Cadde, waxayna gawaari ku rarteen wax kasta oo dhex yaalley.

“Soamaalidu ma aha alaab rakhiis ah oo loo adeegsado fulinta baahidadaa. Yaman waa dal aannu deris iyo walaal nahay oo madax bannaan,” ayuu yiri Wasiir Dibadeedka Ahmed Issa Awad.

“Duniduna waxay Socotra u aqoonsan tahay dhul ka tirsan Yamn, iyadoo sidaa ahayd tan iyo cahdiyadii hore,” ayuu daba dhigay, waloow aan middan dambe la isku raacsanayn.

Waayo Soomaalida qaar ayaa jasaa’irkan istaraatijiga ah oo wax badan ka qaata biyaha maxalliga ah ee Somalia u arka mid ay Somalia leedahay, iyagoo aad ugu dhow Gobolka Bari ee Somalia, waxaana 2010-kii la sheegay inay Somalia QM hor dhigtay codsi ah in la go’aamiyo maqaamka jasaa’irkan.

DF Somalia ayaa sidoo kale beri dhowayd fashilishay shabakad sirdoon oo u shaqaysa Imaaraadka, iyadoo la fahamsan yahay in siyaasiyiin badan oo aan lahayn hadaf iyo han siyaasadeed oo fog ay Imaaraadku lacag ku siiyaan si ay tareenka uga tuuraan geeddi socodka dib loogu dhisayo dalka oo kasoo doogaya dagaallo sokeeye oo bilaa micne ahaa, lagana fursan karey in yar oo caqli ah haddii lala yimaado.

Hadalsame Media