DAAWO: Cali M Geeddi oo weerar ku qaaday Faroole, Jurille & ragga ”yac” dhihi waayey

0

(Muqdisho) 01 Luulyo 2020 – RW hore ee Somalia, Md Cali Maxamed Geeddi, ayaa mar uu ka hadlayey munaasabadda 1-da Luulyo, weerar kulul ku qaaday siyaasiyiin ay ka mid yihiin senatarrada Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdirisaaq Jurille oo horay uga hor yimid in uu Gobolka Banaadir metelaad ku yeesho Aqalka Sare.

Cali Geedi ayaa yiri: “Waa nasiib darro inay saaxiibadeey Senatar Faroole iyo Senatoa Jurille lasoo istaagaan Gobolka Banaadir ma mudna wax matalaad ah, ma garan karo waxa ku kallifay in ay sidaa u dhaqmaan odayaashu,”

Geeddi ayaa dhanka kale weerar kale ku qaaday siyaasiyiin iyo senatarro uu sheegay inay kasoo jeedaan Gobolka Banaadir oo ”yac” dhihi waayey kuwa dhiggooda ah, xitaana ku guuldarraystay inay u hambalyeeyaan Baarlamanka.

”Ragga saaxiibadood dhihi waayey, war maaha saaxiibbayaaloow ee u aamusan, ee markii uu Golaha Shacabku dhaliyey guushana u hambalyayn la’ dadkooda, kuwaas waxaan leeyahay weli waa u furan tahaye ha qiimeeyaan danaha dadkooda iyo tan Soomaaliwayn,” ayuu yiri.

Geeddi ayaa hadal duurxul ah u diray siyaasiyiinta uu sheegay isagoo tilmaamay inay umaddu ogtahay ”nin ganay iyo galladay”, isla markaana sheegay inuu u hambalyaynayo matalaadda Gobolka Banaadir ee ay heleen Soomaalida ku dhaqan halkaasi.

Hadalkan ayaa u muuqda mid ku fooggan rag ka tirsan mucaaradka oo ay qaarkood ka aamuseen ama si aan kala caddayn uga hadleen metelaadda Aqalka Sare.

Hadalsame Media