Turkiga oo looga maarmi waayey qaybo muhim ah oo uu ka sameeyo dayuuradda F-35 (Waa qaybehee?)

0

(Washington DC) 01 Luulyo 2020 – Turkey ayaa looga maarmi waayey inay sii farsameeyaan qaybo ka mid ah dayuuradda casriga ah ee F-35 inta laga gaarayo 2022-ka, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Bentagon-ka oo ay soo xigatey Bloomberg.

Turkiga ayaa horay looga saaray mashruuca samaynta dayuuraddan kaddib markii ay diideen inay ka laabtaan soo iibsiga hannaanka daafaca cirka ee S-400.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Lieutenant Colonel Mike Andrews, ayaa Bloomberg u sheegay inay go’aankan qaateen sanadkii tegey si ay u “sharfaan waajibaadka qandaraas ee jirey”, balse waxaa la fahamsan yahay in Turkiga laga maarmi waayey maadaama la waayey biddaal leh mugga farsamo ee Turkiga, qaar kalena ay la daaheen xilligii laga doonayey inay agabyada soo diraan.

Shirkadaha Turkish-ka ayaa farsameeya wax ka badan 900 oo kab oo ka tirsan F-35

Ankara oo qorsheeynaysey inay iibsato 100 ka mid ah dayuuradaha F-35 ayaa aad ugu lug leh farsamaynta isla dayuuraddan, iyaga oo sameeya qaybo ka mid ah min dusha, qaybo ka tirsan matoorka, qaybo ka tirsan tiriskootka dayuuradda iyo shaashadaha ku yaalla ilaa hannaanka degitaanka. Waxay kaloo sameeyaan korontada dayuuradda, garnaajooyinka dhexe ee matoorka, fiilooyinka furfurma ee dab qaadka ah, iyo sidoo kale dahaarka eelikada ama marawaxadda dambe ee dayuuradda.

Sharikaadka Turkish-ka ayaa si gaar ah u sameeya 400 oo ka mid ah 937 qaybood oo ay farsameeyaan, taasoo ka dhigan inaan la helaynin beddel looga maarmo Turkiga, iyadoo ay Turkigu ku helayaan $9 bilyan oo doollar.

Hadalsame Media